gorgorin eeg gorgori. ld gorgoris, gorgoro.
gorgoris ld gorgorin.
gorgoro Weyddiinta shay beec ah cid qiimihiisa la weyddiiyo. ld gorgorin.
gorgortamid eeg gorgortan². ld gorgortan¹.
gorgortan1 Isdhaafsiga laba qof oo wax kala gadanaya ay isdhaafsadaan gorgoro. ld gorgortamid. gorgortan2 Laba qof oo wax kala gadanaya gorgoro isdhaafsi. gori Neef rimman gor keenid.
goriilla Nooc daayeerka ka mid ah oo dadka u eg oo ku nool Afrika oo dhererkiisu gaaro laba mitir ama ka badan. ld gooriilla.
gorin eeg gori. ld goris.
goris ld gorin.
gorod1 Neef madaxa midab gaar ah ku leh; neef gordan. gorod2 1. Madax. 2. Qaarka hore ee xoolaha. gorodgoo Wax madax ka jarid.
gorodgoyn eeg gorodgoo.
gorof 1. G. ah: haruub ama weel duug ah ceel iwm oo aan muddo la isticmaalin. 2. Haruub.
gorofleged Lugta dambe ee geela meesha maqaarka adag leh oo marka uu fadhiyo dhulka ku hayo.
gorofsan Wax meel yaal oo aan nuuxsaneyn ama la xooray ahaansho.
gorofsanaan eeg gorofsan. ld gorofsanaansho.
gorofsanaansho ld gorofsanaan.
goronyo ld goroyo.
goror1 1. Dhiig sanka ka yimaada. 2. Hoore yar oo weel salkiis ku jira. 3. ld gororid. goror2 1. (f.g) Istaag ku daalid. 2. (f.mg) Dhiig sanka ka imaansho. gorori In yar oo hoore ah oo weel salkiis ku haray ka shubid.
gororid eeg gorord². ld goror¹ (3).
gororin eeg gorori.
goroyacawl Goroyo dheddig.
goroyakaxaaris Gubtahanyo. ld goroyoxaaris.
goroyo Haadda dunida ku nool midda ugu weyn, aan duulin, sur dheer oo aan dhogor lahayn, baalal qurxoon leh oo hilibkeeda la cuno.
goroyoxaaris ld goroyakaxaaris.
gorros1 1. Madaxa oo hoos loo laalaadiyo. 2. ld gorrosid.
page : 82 of 102
<< < 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 > >>