dhacsan 1. Biyo iwm wax heerkay joogeen hoos uga dhacay ahaansho. 2. Daawo, fiiso, iwm wax waqtigii loogu talaggalay dhaafay ahaansho.
dhacsanaan eeg dhacsan. ld dhacsanaansho.
dhacsanaansho ld dhacsanaan.
dhacsasho eeg dhacso. ld dhacsad, dhacsi.
dhacsi ld dhacsasho.
dhacsii Qof wax fahamsiin.
dhacsiin eeg dhacsii. ld dhacsiis.
dhacsiis ld dhacsiin.
dhacso 1. Qof wax laga dhacay xoog ku soo ceshasho. 2. Nirig naas maraq ka furasho.
dhad 1. ld dhar 2. Caleen, ubax iwm nafaqo ama biyo la'aan awgeed la duubmid. 2. Wax huur u ah noqosho (badar).
dhadaambi1 ld dhadaambiyid. dhadaambi2 Hor iyo gadaal u socosho. ld dharaambi². dhadaambiyid eeg dhadaambi². ld dhadaambi¹, dharaambi¹, dharaambiyid.
dhaddig ld dheddig.
dhaddigee ld dheddigee.
dhaddigeyn ld dheddigeyn.
dhaddignimo ld dheddignimo.
dhaddigood ld dheddigood.
dhadhaab1 Jaad geedaha ka mid ah oo xididkiisa laysku daweeyo. dhadhaab2 1. Meel leh dhagax fidsan oo is haysta. 2. Meel maydka lagu dhaqo. dhadhaab3 (jool.) Walax adag ee qolofta dhulku ay si weyn uga samaysantahay; walaxdaas oo ka kooban macaadin; mararka qaarkood waxay ka koobantahay hal macdan oo kaliya, laakin sida badan waxay ka koobantahay dhawr macdannod. dhadhaab-habe (jool.) Dhadhaabaha iyagoo dulal leh awgeed, biyaha u oggolaada, tusaale biyaha roobka, inay dhex galaan dabadeedna ka dhex dusaan; tusaale fiican waxaa u ah dhadhaabaha noocaan ah dhagax la yiraahdo dhagax bataax.
dhadhaab-lakabeed (jool.) Dhaqxaan u tuulmay dhadhaab salceedyo, badanaa lakabeedyo (sida, biyaha hoostooda) oo sameeya midka mid ah saddexda nooc ee waaweyn ee dhadhaabaha kuwaa oo sameeya oogada dhulka.
dhadhaab-saleed (jool.) Dhagax adag amase waxyaalaha kale ee dabacsan ee ka hooseeya ciidda dhulka dushiisa. Mararka qaarkood dhagaxaas adag, boqolaal mitiir buu ka hooseeyaa dhulka dushiisa, hase ahaatee inta badan waxaa laga helaa meelo ka gun gaaban. Meelaha janjeerkood u ama tiiradoodu aad u sarrayso, dhadhaabo saleedku waa qaawanyahay oo ma laha ciid daboosha.
dhadhaab-shiileed (jool.) Dhagxaan ka timid magma dhalaashan oo adkaatay, waana mid ka mid ah saddexda nooc ee dhadhaabaha ee qolofka dhulku ay ka koobantahay.
dhadhaab-shileed-hoose (jool.) Dhadhaabo shiileed oo ku qaboobey (adkaaday) dhul aad u hooseeya, halkaas oo qaboobiddu gaabiso, macdanaha kala duwan ay waqti qaadato wirqeysigooda.
dhadhaar1 ld dhardhaar¹. dhadhaar2 ld dhardhaar4. dhadhaarad ld dhardhaarasho.
dhadhaaran ld dhardhaaran.
page : 88 of 218
<< < 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 > >>