Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: makeekee
bacrimays ld bacrimayn.
bacrimee 1. Unug tarmineed lab, unug tarmineed dheddig dhex gelid. 2. Dhul si uu bacrin u noqdo digo ama walax kiimika ah ku shubid. ld bacrimi.
bacrimi ld bacrimee.
bacrimin (1) ld bacrimayn.
bacrimin (2) Habka isku darsanka unugyada taranka ee labka iyo dheddigga si ay u sameeyaan bacrimane.
bacrimis ld bacrimayn.
bacrimiye 1. Daawo digo iwm oo dhul lagu shubo si bacrin looga dhigo. 2. Unug tarmineedka lab marka uu dhex galo unug tarmineedka dheddig.
bacrin Dhul carrasan oo wax ka soo bixi ogyihiin; ugbaad.
bacrin-la'an (daaw.) Awood la'aan in naagtu uur qaaddo ama ninku wax rimin kari waayo.
bacsii Dharbaaxo ku dhufasho (qof).
bacsiin eeg bacsii.
bad ld bed³.
bad (1) 1. Biyo badan, dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo. 2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B.da gabayga: baabka gabayga.
bad (2) 1. (f.g) Cid wax dhibaato leh oo aysan raalli ka ahayn ku jirrabid. 2. (f.lg) ld bid.
bad-dhac 1. Qof ku nool khayraadka badda oo kaliya. 2. Qof ku xildheer arrimaha badda.
badad (fiis.) Dululaatiga laga dareemi karo xoog; xooggaasi oo uu sababay jiritaanka walax taalla bar ka mid ah dululaatiga. Noocyada b.da waxa ka mid ah: a) b.birlabeed, b) b. danabeed c) badad cufisjiidad.
badad-birlabeed (fiis.) Badad xoog oo ka jira weegaarka birlab ama gudbiye qulqul danab wada.
badalli Rati aan weli rarka loo layliyin.
badan (1) B.keenna, b.kiina iwm: inteenna badan, intiinna badan iwm.
badan (2) Wax aan tiradoodu yarayn ahaansho.
badan-midab-ileys (fiis.) Kaah birlabdanabeed leh iskujir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo. Eeg dhafan midab-ileys.
badanaa Inta badan, marar badan, aalaa. Tus. “Birtu badanaa way mirirtaa”.
badar Nooc ka mid ah dalagga la beerto oo leh iniino la cuno, lana keydin karo, sida: galleyda, masaggada, iwm.
badasho eeg bado.
badbaadayn ld badbaadin.
badbaadaysasho ld badbaadsasho.
badbaadayso ld badbaadso.
badbaadee ld badbaadi.
badbaadi Wax khatar ka nabadgelin. ld badbaadee.
badbaadin eeg badbaadi. ld badbaadayn, badbaadis.
<< < 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 > >>

 

Exit mobile version