Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tartabo
kalasarreyn (2) (juqr.) Faraqyada kac-sanaanta meel kasta oo dhulka dushiisa ka mid ah.
kalasarreys ld kalasarreyn.
kalasooc (1) 1. Wax kala jaad ah oo isku darsan oo intii is lehba gooni loo saaro. 2. ld kalasoocid¹.
kalasooc (2) Wax kala jaad ah oo isku darsan intii is lehba gooni u saarid.
kalasoocan (1) Wax isku jaad ahaa oo la kalasaarey noqosho.
kalasoocan (2) Wax la kalasaaray ama la kala gooyay ahaansho.
kalasoocid (1) eeg kalasooc². ld kalasooc¹ (2).
kalasoocid (2) (baay.) Habaynta noolayaasha iyada oo loo kala qaybinayo kooxo taxane ah, laguna salaynayo fisiyoolajigooda, anatamigooda, bayokiimiko ahaan ama xidhiidho kale oo ka dhexeeya.
kalasoocmid eeg kalasoocan¹.
kalasoocnaan eeg kalasoocan². ld kalasoocnaansho.
kalasoocnaansho ld kalasoocnaan.
kalatag (1) Kala guuridda ay kala guuraan dad wada noolaa khilaaf awgiis. ld kalategid.
kalatag (2) 1. Wax wada joogay ama meel ku wada dhaqmayey qaarba doc aadid. 2. Nin iyo naag is qabey is furid.
kalategid eeg kalatag². ld kalatag¹.
kalax 1. Weel badanaa qori ka sameysan oo biyaha lagu cabbo. 2. Bocool weyn oo berriga laga helo.
kalaxayad (fiis.) U kalabbaxa dhud ileys ee dhudo midabeysan oo u baaha si ay u sameeyaan muuqaal jeegaan.
kalaxayasho eeg kalaxayo.
kalaxayo Aryo isku jira oo xeroonaya ayadoo ayan cidi kala soocin, xeryahooda kala aadid.
kalaxigsad ld kalaxigsasho.
kalaxigsasho eeg kalaxigso. ld kalaxigsad, kalaxigsi.
kalaxigsi ld kalaxigsasho.
kalaxigso Labo qof oo wax isku haysta midkood u hiillin.
kalbaa Caano lo'aad oo fadhi ah oo inta la adkeeyey biyihii laga miiray.
kalbad ld kelbed.
kalbax (1) 1. K. ah: qof daacad ah. 2. ld kalbixid.
kalbax (2) 1. Bila dhameysad. 2. Si niyad furan ula hadlid (cid).
kalbixid eeg kalbax². ld kalbax¹ (2).
kaldambeed Inta ugu dambeysa xilliga jiilaalka.
kaldhaash Barbaro waaweyn, cad cad oo lo'du garbaha iyo wejiga ku yeelato.
kaldhal K. ah: neef kol keliya dhalay; marcurad.
<< < 879 880 881 882 883 884 885 886 887 888 889 > >>

 

Exit mobile version