labadderyaale Aqal soomaali weyn, qurux badan, oo qalabka uu ka samaysanyahay ay cusubyihiin. ld labadaryaale.
labaddiblayn eeg labaddiblee.
labaddible Xiridda gacmaha qof gadaal loo xiro; garbadduub. ld labaddiblayn.
labaddiblee ld labaddilee.
labaddibleysan Wax labadible loo xiray ama loo qabtay ahaansho.
labaddibleysnaan eeg labaddibleysan. ld labaddibleysnaansho.
labaddibleysnaansho ld labaddibleysnaan.
labaddilee Qof gacmihiisa gadaal u xirid ama u qabasho.
labadduub Mardimo geesaha xoolaha iyo ugaartu yeeshaan oo da'dooda lagu xisaabiyo. ld laba-duub.
labadhegood 1. Geedka galleyda, meseggada marka uu yaryahay oo laba caleemood yahay. 2. Fallaar ama hooto laba ganood leh. 3. Weel dhinacyada laba siddo ku leh.
labadulle Xabaal labo af oo hoos isaga duleela leh oo lagu aaso carruurta saqiirka ah.
labadullee Xabaal labadulle ah qodid.
labadulleyn eeg labadullee. ld labadulleys.
labadulleys ld labadulleyn.
labadulleysan Xabaal hab labadulle ah u qodan ahaansho.
labadulleysnaan eeg labadulleysan. ld labadulleysnaansho.
labadulleysnaansho ld labadulleysnaan.
labafarraarle Ul gadaal laba ganood ku leh. ld labatarre.
labag Xilliyada diraaceed mid ka mid ah oo leh dabeylo qabow iyo mararka qaarkood roob aan badnayn.
labaggalle Laba wejiile.
labaggalley 1. Naag laba wejiile ah. 2. Beenta, runta u eg.
labaggeeriyoo Silic u dhimasho.
labaggeeriyood eeg labageeriyoo.
labajaraale Laba jaro ay isugu xigsato laba qofood oo wada ciyaaraysa midkood.
labajibbaar1 1. Tiro, tiro la eg lagu dhuftay. 2. Isku laabidda xarig laba jeer laysku laabo. labajibbaar2 1. Tiro, tiro la eg ku dhufasho. 2. Xarig laba jeer isku laabid. labajibbaaran 1. Tiro, wax tiro la eg lagu dhuftay ahaansho. 2. Xarig laba mar laysku laabay ahaansho.
labajibbaarid eeg labajibbaar².
labajibbaarnaan eeg labajibbaaran. ld labajibbaarnaansho.
labajibbarnaansho ld labajibbaarnaan.
page : 10 of 46
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>