Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
laballaab2  1. Tiro, tiro la eg ku darid. 2. Wax, wax la mid ah ku xoojin. ld labanlaab². laballaaban1  Wax la labanlaabay noqosho. ld labanlaaban¹. laballaaban2  Wax la labanlaabay ahaansho. ld labanlaaban². laballaabayn  eeg laballaabee. ld laballaabays.
laballaabays  ld laballaabayn.
laballaabee  Laba arrimood oo wax laga qaban lahaa ku tallamid.
laballaabid  eeg laballaab². ld labalaab¹, labanlaabid.
laballaabmid  eeg laballaaban¹. ld labanlaabmid.
laballaabnaan  eeg laballaaban². ld laballaabnaansho, labanlaabnaan, labanlaabnaansho.
laballaabnaansho  ld laballaabnaan.
laballaaboobid  eeg laballaabow². ld laballaabow¹.
laballaabooti  1. Laballaabee. 2. Qof jirro, caro iwm la cagajiidid.
laballaabootin  eeg laballaabooti. ld laballaabootis.
laballaabootis  ld laballaabootin.
laballaabow1  Kala doorashawaayidda qof laba arrimood oo gudboon kala dooran waayo. ld laballaaboobid. laballaabow2  Qof laba arrimood oo gudboon kala dooran waayid. laballabee  Laba arrin oo gudboon kala dooran waayid.
laballabeyn  eeg laballabee.
laballabo1  1. Wax laballabo isugu lammaan. 2. Laba arrimood oo gudboon oo la kala dooran waayo. laballabo2  Tirooyin badan oo middiiba labo ka koobantahay. laballafood  L. ah: qof dheer oo laf weyn.
laballeexad  Socod dan la'aan ah oo uu qofku iska wareego. ld labaleexad.
laballegdee  Gogol korkeed ama meel kala isku rogrogid.
laballegdeyn  eeg laballegdee.
laballis1  1. ld laballisid. Lisidda neef irmaan laba qof mar wada lisaan. 2. L. ah: caano laba caanamaal oo laysku daray ah. laballis2  Laba qof si xoog iyo dhaqso leh neef irmaan u lisid. laballisid  eeg laballis². ld laballis¹ (1).
laballixaadsad  ld laballixaadsasho.
laballixaadsasho  eeg laballixaadso. ld laballixaadsad, laballixaadsi.
laballixaadsi  ld laballixaadsasho.
page : 948 of 1584
<< < 943 944 945 946 947 948 949 950 951 952 953 > >>

 

Exit mobile version