laballixaadso Xoog u socosho.
laballugood 1. L. ah: qof socoto ah oo aan gaadiid fuushanayn ee lug ku socda xoolana wadan. 2. Xarig labadhudood isugu soohan.
labammidigle Qof labada gacmood isku si wax ugu qabta.
laban1 Wax isku qasmay noqosho. laban2 Wax isku qasmay ahaansho. labanlaab1 ld laballaab¹. labanlaab2 ld laballaab². labanlaaban1 ld laballaaban¹. labanlaaban2 ld laballaaban². labanlaabid ld laballaabid.
labanlaabmid ld laballaabmid.
labanlaabnaan ld laballaabnaan.
labanlaabnaansho ld laballaabnaan.
labaqalbacle (c.nafl.) Miro laba beer leh.
labaqayd Maro laba qayd ka kooban.
labaraafle Xoolaha intooda cagta ay dhulka dhigayaan ay tahay laba raaf sida biciidka, lo'da, ariga, deerada iwm.
labasaab (fiis.) Nooc toobineed oo leh xoodbeeg ka weyn hal, ama waa xood furan oo leh laba laamood iyo laba dhibcood ee wanqareed. Habdhiska kullannada kaartis, isle'egla beegaalka ah ee labasaab waa: x2 - y2 = 1. ld labosaab.
labasho eeg labo². ld labad.
labashub1 1. ld labashubid. Ka soo saaridda laba qof ay si darandoori ah ceel biyo uga soo saaraan. 2. L. ah: ceel biyo badan, gaaban oo laba qof ay shubi karaan. labashub2 Laba qof ceel biyo kaga soo saarid. labashubid eeg labashub². ld labashub¹ (1).
labatarre ld labafarrarle.
labaxiddigle Sargaal ciidan oo darajadiisu tahay laba xiddig.
labayn eeg labee. ld labays.
labays ld labayn.
labaysad ld labaysasho.
labaysasho eeg labayso. ld labaysad, labaysi.
labaysi ld labaysasho.
labayso Wax la haystay, wax labaad ku darsasho.
labbalabbo ld lallabo.
page : 949 of 1584
<< < 944 945 946 947 948 949 950 951 952 953 954 > >>