daash Dhismo kor ka dadan, hareeraha ka furan oo carshaanta, baraakoyinka, mundullada iwm hortooda lagu dhiso.
daata (xis.) Xaqiiqooyin ama warar la isa siiyay ama la soo ururiyay si loo baro. D. waxa lagu muujin karaa garaaf jiitimeed, garaaf sawireed iwm.
daawad ld daawasho.
daawade (riw.) Qof masrax, filim, ciyaar iwm daawanaya.
daawadhigad ld daawadhigasho.
daawadhigasho 1. Daawayeelad. 2. eeg daawadhigo. ld daawadhigad.
daawadhigo Daawa- yeelasho.
daawaley D. ah: dad heshiis wax wadaqabsi iyo is-taakulayn ka dhexeeyso.
daawasho eeg daawo². ld daawad.
daawe ld taawo¹.
daawee 1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. ld daaweysii, dawee, daweysii.
daaweyn eeg daawee. ld daaweysiin, daweyn, daweysiin.
daaweynta-fiisikaad (daaw.) Qayb daaweyn oo lagu isticmaalo habab iyo qalab fiisikaad si loo daryeelo caafimaadka; waxaana la isticmaala: nal, fallaaraha ultrafayolet iyo infrareed, kul, koronto, riix-riixid, tuujin iyo ciyaaro waxtar ah.
daaweysad ld daaweysasho.
daaweysasho eeg daaweyso. ld daaweysad, daaweysi, daweysad, dawey- sasho, daweysi.
daaweysi ld daaweysasho.
daaweysii ld daawee.
daaweysiin ld daaweyn.
daaweyso 1. (f.g) Wax jirran daawo siisasho. 2. (f.mg) Wax si isla eg u qaybsasho. ld daweyso.
daawo1 ld taawo¹. daawo2 1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iwm lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. ld dawo. daawo3 Wax in muddo ah indhaha ku hayn. daawo4 (daaw.) Walax kasta oo saameysa qaabka iyo shaqada noole. Daawoyinka waxa loo isticmaalaa ka hortagga, cudur aqoonsiga iyo daaweynta cudurrada iyo baabi'inta astaamahooda. daawoobid eeg daawow. ld dawoobid.
daawow 1. Wax cudur ka bogsaday noqosho. 2. Wax illaaway noqosho. ld dawow.
daaxuur Daayeer lab oo aad u weyn.
daay Biyo uus laga miiray.
daayac1 D. ah: qof garasho yar oo aan wax lagu aamini karin. daayac2 ld dayac². daayacaad ld dayac¹.
page : 11 of 218
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>