madaxtus2 1. Meel hawl laga hayo,iyadoo aan la doonayn in laga qayb galo, tegid. 2. Cid hawl haysa kormeer aan toos ahayn ku samayn. madaxtusid eeg madaxtus². ld madaxtus¹.
madaxwareer ld madax-xanuun.
madaxweyne 1. Qof qaran madax u ah. 2. Bayd faal oo madaxa ka ah labo, saddexda hogood oo kalena min hal.
madaxyaro (daaw.) Iin madaxa ku dhacda oo yareeysa.
madbacad Meel dhisan oo ay yaalliin mashino waaweyn oo wax lagu daabaco. ld madbaco.
madbaco ld madbacad.
madbakh Jiko; alawaad.
maddaad 1. Khad; dawaad. 2. Awrta waaweyn siiba kuwa qooqan madowga ay ku yeeshaan qadaadka. ld middaad.
maddaalannimo Maddaale ahaansho.
maddaale Qof aan hawsha ka daalin, hawlkar.
maddan Yeel awrta lagu raro oo saanta biciidka laga jeexo.
maddane Bir xalleefsan oo daab la qabto leh oo iyadoo kulul xoolaha lagu sunto. ld madane.
maddarab ld maddaraq.
maddaraq Bir xoogan oo leh af ballaaran iyo mid dhuuban iyo daab dheer oo meelaha adag lagu qodo; garweyn. ld maddarab.
maddaroorshe Qalabka wax lagu dhiso nooc ka mid ah oo aan biyaha sii dayn.
maddiibad Baaquli; daafiri.
maddiiddaa Caws dhaadheer oo adag oo lo'du daaqdo, kana baxa meelaha biya mareennada ah.
maddiiddee Haweeney maddiiddo ku akhrin.
maddiiddeyn eeg maddiiddee.
maddiiddeysan Wax maddiiddo lagu akhriyey ahaansho (haweeney).
maddiiddeysnaan eeg maddiiddeysan. ld maddiiddeysnaansho.
maddiiddeysnaansho ld maddiiddeysnaan.
maddiiddo Wax lagu akhriyo haweeney la rabo in nin la oggoleysiiyo.
maddiidimi ld midiidimi.
maddiil ld maliiddo.
maddo 1. Ceelka bartankiisa, meesha ilaha biyuhu isugu yimaadaan. 2. Meesha wax walba u ah bartamaha. 3. Ceelasha aan biyahoodu go'in.
maddooyaa Geed-naagaar, dhirta dawada ka mid ah, leh ur silloon iyo caleemo yaryar oo xooluhu daaqaan.
maddooyamaddooyo Nooc ka mid ah cayaaraha carruurtu dheesha oo qori inta la tuuro iyadoo iska dhowraysa in la taabto. ld maddooyo.
maddooye Nacas; dabbaal; caaq.
page : 1001 of 1584
<< < 996 997 998 999 1000 1001 1002 1003 1004 1005 1006 > >>