Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
maquursanaan  eeg maquursan. ld makhuursanaan, makhuursanaansho, maquursanaansho.
maquursanaansho  ld maquursanaan.
maquus1  ld muquusid. maquus2  ld muquus². maquusid  ld muquusid.
mar1  1. (-rar, m.l) Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; goor, kol. 2. M.kayga, m.kaaga iwm: kolkayga, kolkaaga iwm. 3. M.kiiba: isla waqtigiiba, durba. 4. ld marid. mar2  1. Wax walba ee dumarku dhexda ku xirtaan. 2. Qiimaha naagnimo. mar3  1. (nax.) Isla m.ka ama isla m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah oo tilmaamaysa fal dhacay isla waqtigii midka weerta xorta ahi uu bilaabmayo. Tus. “Isla markii uu yimid shaqo ayuu bilaabay”. 2. (nax.) M.ka ama m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Markii uu Warsame dhoofay ayaan gegida dayuuradaha ka soo noqday”. mar4  1. Meel gudbid. 2. Dhaarasho. 3. Wax, wax ku duubid. 4. Wax baabuur iwm dardarid. 5. Nafley dabayl jin iwm ku dhicid. 6. Isku m.: wax xoog isku duubid. 7. Isu m.: laba meel oo kala jaho ah socod gaadiid iwm ku wada gaarid. maraa  (maraa, m.dh) Geed qodax leh oo laf adag. ld maraay.
maraabayn  eeg maraabee. ld maraamayn.
maraabe  ld maraabo.
maraabee  Doon, markab iwm hadba dhan u iilasho. ld maraamee.
maraabo  Dheeldheelliga uu sameeyo markab doon iwm oo badsaaran. ld maraabe, maraame, maraamo.
maraaci1  1. Salaaxidda haweeney la salaaxo. 2. ld maraaciyid. maraaci2  Haweeney salaaxid. maraaciyid  eeg maraaci². ld maraaci¹.
maraado  Qof gef sameeyay neef ganaax ahaan looga qalo.
maraajic  eeg marjac.
maraakiib  eeg markab.
maraamayn  ld maraabayn.
maraame  ld maraabo.
maraamee  ld maraabee.
maraamiir  (c.nafl.) Nooc mallaayga gadiirka u eg oo badda soomaaliyeed ku badan.
maraamo  ld maraabo.
maraar  Qalqalooc ama xarar wax la qorayo loo yeelo.
maraarnimo  (daaw.) Xaalad cudureed oo ka timaada ayadoo lagu dhasho shaqi yari qanjirdhiiqa taayroyd. Astaamaha ahaan: gaabni, caqli dhimanaan, muuqaalka wajiga oo gaar ah.
maraay  ld maraa.
marabbi  Neef rabbaayad ah oo aan dadka ka cararin. ld murabbi.
marabboob  (bot.) Ubax la mood qodxo yaryar ah oo ka baxa nooc cawska ka mid ah oo dharka ku dhega.
page : 1028 of 1584
<< < 1023 1024 1025 1026 1027 1028 1029 1030 1031 1032 1033 > >>

 

Exit mobile version