hadeysnaansho ld hadeysnaan.
hadfid eeg hadaf³. ld hadaf¹.
hadhaaseera Dumarka xadrada saarka Booranaha ugu sarreeya ama heerka labaad kaga jira.
hadhiin Afarta haad ee turubka mid ka mid ah.
hadhiino 1. Qof dhaxalkii uu lahaa la seejijay. 2. Qof wax qabadkiisu aad u yaryahay.
hadhow Had dhow, goor aan fogeyn oo soo socota. ld hadhowto.
hadhowto ld hadhow.
hadi Geed quwaax xabag udgoon oo laga ganacsado leh.
hadid eeg had³.
hadiid 1. Ku h.: si hunguri weyni ku jirto wax u boobid. 2. Ku h.: si ku celcelis ah qalab aan af lahayn wax ugu goyn.
hadiidid eeg hadiid.
hadimee Cid hadimo gaarsiin.
hadimeyn eeg hadimee.
hadimo Dhibaato weyn oo khiyaamo ku jirto.
hadiyad Hanti yar oo cid la sharfayo loo geeyo; deeq.
hadiyee Qof dhintay quraan u akhrin.
hadli Ka h.: hadalsii.
hadlid eeg hadal².
hadlin eeg hadli.
hado 1. Geeri. 2. ld hadaayad.
hadoodil1 1. Balbalo. 2. Dedidda meel dusha sare laga dedo si har loogu yeelo. 3. ld hadoodilid. hadoodil2 Wax har u yeelid. hadoodilan Wax dusha laga dedey si har loogu yeelo ahaansho. ld hadoodillan.
hadoodilid eeg hadoodil². ld hadoodil¹ (3).
hadoodillan ld hadoodilan.
hadoodillanaan ld hadoodilnaan.
hadoodillanaansho ld hadoodilnaan.
hadoodilnaan eeg hadoodilan. ld hadoodillanaan, hadoodillanaansho, hadoodilnaansho.
hadoodilnaansho ld hadoodilnaan.
hadoof Hadal aan waxba ka jirin.
page : 12 of 93
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>