nuxur2 (taar.) Qaybta asalka u ah iyo tilmaamaha gaarka ah ee lagu yaqaan shay. nuxus ld nuxuus¹.
nuxuus1 1. N. ah: xilli ay dadku sharaystaan. 2. N. ah: qof dhashay maalin la sharaysto. 3. N. ah: tabar yari nafley ka muuqata. ld naxuus¹, nuxus. nuxuus2 Wax daciif ah noqosho. ld naxuus². nuxuusi Wax daciif ka dhigid. ld naxuusi.
nuxuusid eeg nuxuus². ld naxuusid.
nuxuusin eeg nuxuusi. ld naxuusin.
o (o') Xarafka shan iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga ah, waana shaqal.
obiyum Dawo laga miiro geedka la yiraahdo “poppy papaver somniferum” oo xanuun bi'is ah hurdana keenta maadama ay morfiin ku jirto.
oboc eeg ubuc.
oday 1. Nin da' weyn; duq;waayeel. 2. Nin waxgarad ah ama xil qaadi kara, mas'uul; xilkas.
odayee 1. (f.g) Geel la lisayo caanihiisa qeybin. 2. (f.mg) Ka o.:hawl, arrin iwm si xilkasnimo leh u dhexgelid.
odayeyn eeg odayee
odaynnimo Oday ahaansho. ld odaytinnimo.
odayoobid eeg odayow.
odayow 1. Da'weyn gaarid; waayeeloobid. 2. Waayo aragnimo yeelasho.
odaytinnimo ld odaynnimo.
oddoros1 1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona. oddoros2 1. Roob muuqda meeshuu ku da'ayo qiyaasid. 2. Mustaqbalka waxa dhici doona ama soo socda maleawaalid. oddorosid eeg oddoros².
og 1. ld ogaan (1). Garasho wax loo leeyahay; arrintaas ogaal baan u falay. 2. Xog wax laga hayo. Tus. “Ogaalkay nabadgelyo ayaa halkaa ka jirtay”. 3. Xog'ogaal: oogaanta wax guntooda la ogyahay.
ogaan 1. ld ogaal, ogaansho. eeg og. 2. Ulakac; kas, maag. O. buu u yeelay: kas buu u yeelay.
ogaansho eeg ogow. ld ogaan.
ogeys Qof arrin gaar ah aad u yaqaan.
ogeysii Cid xog u sheegid.
ogeysiin eeg ogeysii. ld ogeysiis (2).
ogeysiis 1. War la rabo in cid loo sheego. 2. ld ogeysiin.
oggol1 1. O. ah: cid aan wax diiddanayn. 2. Neef irmaan oo ubad waliba nuugo; hebed. oggol2 1. Wax aan wax diiddanayn ahaansho. 2. Wax, wax kale ka hela ahaansho. oggolaan eeg oggol². ld oggolaansho.
page : 1148 of 1584
<< < 1143 1144 1145 1146 1147 1148 1149 1150 1151 1152 1153 > >>