oonguul O. ah: xoolo aroor ah oo baryey xeradoodii meel aan ahayn.
oontir Nafley biyo ay oonka uga baxdo siin.
oontirid eeg oontir.
oor Miro yaryar oo udgoon oo ay dumarku isku carfiyaa.
oordinayt (xis.) Kulanka-y oo barbarro ahaan loogu cabbiro dhidibka-y ee ku yaalla habdhiska kulannada kaartis (Barbardhig Absiisa).
oori Haweeney la qabo; afo.
ooriyo Hanti ganaax ahaan looga qaado nin mehersaday gabadh nin kale u dooneyd.
ooro (daaw.) Cudur dhegaha xoolaha dushooda sare ku dhaca oo qolfo iyo finan u yeela.
ooroobid eeg oorow.
oorow Ooro qaad (xoolo).
ooryawalaal Laba nin oo labo haween oo walaalo ah kala qaba, waxa ay isu yihiin. ld ooryowalaal.
ooryawalaaloobid eeg ooryawalaalow. ld ooryowalaaloobid.
ooryawalaalow Laba nin ooryawalaal noqosho. ld ooryowalaalow.
ooryowalaal ld ooryawalaal.
ooryowalaalee Labo nin ooryowalaal ka dhigid.
ooryowalaaleyn eeg ooryowalaalee.
ooryowalaaloobid ld ooryawalaaloobid.
ooryowalaalow ld ooryawalaalow.
oosayt (baay.) Unug taran laga helo ugxansidaha xilliga oojiniisiska. Waxay ka timaadaa korriinka oogooniyamka.
ooy Oohin sameyn. ld booy.
ooyid eeg ooy. ld booyid.
ooysin Neef xoolo ah oo tacsi ahaan loogu geeyo reer nin oday ahi ka dhintay.
or Cod wada jir ah oo dad meel fog jooga ka yeera.
or1 1. Dhar; maro. 2. Calal. 3. Bulka cawsa meyrada. oraah 1. hadal xigmad xambaarsan oo munaasabad ama waqti gaar ah loo adeegsado. 2. Ereyo la isu geeyey oo macna la fahmo sameeya. 3. Hadal. ld oroh.
oranjo Liin kulkulucsan, waxoogaa ka waaweyn liimadhanaanta oo macaan. ld araanjo.
ordid eeg orod².
ordisii ld orodsii.
ordisiin ld orodsiin.
ordisiis ld orodsiin.
page : 1155 of 1584
<< < 1150 1151 1152 1153 1154 1155 1156 1157 1158 1159 1160 > >>