oori
(m.dh) (-iyo, m.l)

Haweeney la qabo; afo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh oori

maandoori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid maankeeda beddelid.2. Qof sakhraamin.

maandoorin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maandoori.

maandooriye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iwm; mukhaddaraad.

naag [m.dh] (-go, m.l)
1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.

ooriyo [m.dh]
Hanti ganaax ahaan looga qaado nin mehersaday gabadh nin kale u dooneyd.

xaas [m.l] (-sas, m.l)
1. Oori, afo. 2. (-sas, m.l) Carruurta iyo haweeney la qabo. 3. X. ah: wax tabardaran; maato. 4. X. ah: qof carruur badan leh oo hanti yar.

abaaldooris [m.l]
Samafal la isu galay oo xummaan lagu beddelo.

afo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Haweenay la qabo; oori.

aroori [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Xoolo oomman meel biyo leh u kaxayn. 2. Hoos u dhigid. 3. Qof hurda riyo wax ku tusid; qof seexin. 4. Wax wax kale ku libdhin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg