qanjidh (c.nafl.) Organ soo saara walxo si uu u dhiijiyo. Qanjidhku wuxuu noqon karaa mid weyn, tusaale ahaan: beerka, ama wuxuu noqon karaa mid yar; qanjidh dhidid. ld qanjir.
qanjidh taymas Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
qanjidh-dhidid (c.nafl.) Qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka. Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
qanjidh-kelyood (c.nafl.) Lammaane ka mid ah qanjidhada marinka la'oo laga helo kelyaha dushooda. Qaybta gudaha ee qanjidh kelyoodyada oo loo yaqaanno 'medula'ayaa waxay dhiijisaa horomoonada kala ah adirinaliin iyo noradirnoliin.
qanjidh-marinla' (c.nafl.) Qanjidh kasta oo xayawaanka laga helo, kaas oo soo saara horomoonno, si toos ahna ugu dhiijiya qulqulka dhiigga, si ay shaqo uga qabtaan meelo kala durugsan oo jidhka ka mid ah qanjidhada marinkala'waxay xukumaan waxqabadyada qunyar socodka ah ee waqti dheer qaata ee jidhka, sida koritaanka qofka iyo korriinka sinjiyeed.
qanjidh-marinleh (c.nafl.) Qanjidh marin leh oo dheecaanno qanjidheedka ku sii daaya guudka ibitiiliyalka ee jidhka dushiisa ama moqor unugeedka calool yarada.
qanjidh-tarmeed (c.nafl.) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
qanjidhka tayroydh (c.nafl.) Qanjidh marinla'oo laba laab leh oo laga helo lafdhabarleyda kuna yaalla salka qoorta. Wuxuu dhiijiyaa laba horomoon oo ay ku jirto ayoodhiin, oo kala ah tayrogsiin iyo tarayodhoytayrosiin, kuwaas oo xukuma dariiqooyinka dheefsasho ee jidhka oo dhan. Waxa kale oo ay duudsiyaan koritaanka duleed.
qanjiiri Wax si xoog leh u qandhuufasho.
qanjiirin eeg qanjiiri.
qanjiiro Qandhuufo.
qanjir1 1. Cad yar jirka nafleyda ku yaal oo dhala dheecaano uu jirku u baahanyahay. 2. Q. ah: qof aan shakhsiyad wanaagsan lahayn. 3. ld qanjirid. ld qanjidh. qanjir2 Badar siiba digir karis xumo awgeed bislaan waayid. qanjir-bituwitary (c.nafl.) Qanjir dhiiqa ugu muhiimsan: qanjir yar oo ku yaal “hypothalamus-ka” hoostiisa wuxuuna ku jira god laf ka dhex qodan lafta madaxa salkeeda.
qanjir-borosteyd (c.nafl.) Qanjir dheeraad ah oo raggu leeyahay oo u furan kaadi mareenka ka hooseeya kaadihaysta iyo dhuumaha shahwada meeshaay kaga darsamaan. Xilliga biyobixidda ragga wuxu qanjirku soo daaya biyo alkalayn ah oo ku darsama shahwada.
qanjir-kelyood (c.nafl.) Laba qanjir dhiiqe oo qaab saddex gees leh, kuna kala yaal labada kelyood dushooda.
qanjir-liinfeed (c.nafl.) Qanjirro yaryar oo kuuskuusan oo ku yaal xarumo kala duwan oo ka mid ah waddada xididdada liinfada.
qanjirabarar ld qanjirbarar.
qanjirbarar1 Qanjirka oo jirro awgeed barara. ld qanjirabarar. qanjirbarar2 (daaw.) Halaamacoodka qanjirrada liinfada kuwaas oo barara, xanuun yeesha ayna adkaadaan xaaladaha qaarkood waa hallaamacood muddo dheer (cronica) sida qanjibararka ka yimaada cudurka qaaxada, inta badanse waa cudur muddo gaaban (acuta) oo ku kooban meel jirka ka mid ah oo u dhow addin dhaawacan. qanjirid eeg qanjir². ld qanjir¹ (3).
qanjirsan Badar si xun loo kariyay wax kala bislaaday ahaansho.
qanjirsanaan eeg qanjirsan. ld qanjirsanaansho.
qanjirsanaansho ld qanjirsanaan.
qanjo ld qanje.
qanjoofil Nooc ka mid ah cawska rarada laga sameeyo.
qanjool Geed gaab xeebaha bari ka baxa oo caleemo yaryar oo biyo ka buuxaan leh oo daashashka lagu dedo.
qansax (qansax, m.dh) Geed quraca la bah ah oo leh qodxo yaryar, mayraxiyo xabag wanaagsan.
qanshiir Daan.
qanweyn Wax jurmi weyn leh ahaansho.
page : 1189 of 1584
<< < 1184 1185 1186 1187 1188 1189 1190 1191 1192 1193 1194 > >>