Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gur
ridmid  eeg ridan.
ridmo  Dhabaq la'aanta iyo isku dubbadhaca cod, muusig iwm.
rido   1. Waran, fallaar iwm ganasho. 2. Qof arrin fikrad ka dhiibasho ama ka qayb qaadasho. 3. Ka r.: dugaag ama tuug wax ay dhaceen ka badbaadsasho. 4. Ku r.: wax, wax uu qaadi karo dhex gashasho. 5. U r.: meel ama weel gudihiisa wax gelin. 6. U r.: wax dusha saarasho. 7. U r.: wax mas'uuliyad-diisa qaadid.
ridqan   Badar wax la ridqay ahaansho.
ridqanaan  eeg ridqan. ld ridqa-naansho.
ridqanaansho  ld ridqanaan.
ridqasho  eeg ridqo.
ridqid  eeg ridiq². ld ridiq¹ (2).
ridqo   Badar cajiin ka dhigasho.
rif   1. Dhogor ama baal si xoog ah maqaar uga gurid. 2. Laf hilib ka dhammeyn. 3. Maro dun ka bixin. 4. Ka r.: qof ciidan ka tirsan garaaddo ka qaadid.
rifaaq1  ld rafaaq¹. rifaaq2   ld rafaaji. rifaaqid  ld rafaajin.
rifad  ld rifasho.
rifan1  (jool.) Falka ka dhasha marka ay is xoqaan dhagxaan ay sidaan biyo, dabayl ama mawjadaha baddu amase ay dhag-xaantaasi xoqdo kuwo kale. rifan2   Maqaar, maro iwm wax la rifay noqosho. rifan3   Maqaar, maro iwm wax la rifay ahaansho. rifasho  eeg rifo. ld rifad.
rifid  eeg rif.
rifmid  eeg rifan².
rifnaan  eeg rifan³. ld rifnaansho.
rifnaansho  ld rifnaan.
rifo   1. Dhogor, baal iwm maqaar xoog uga gurasho. 2. Laf hilib ka feenasho. 3. Caw, nagaar iwm xoolo ilka ku goosasho.
rifrif1  1. Timo si xun loo xiiray. 2. Ganka ay yeeshaan maro, derin iwm. 3. Cad-cad ka haray wax la kala googooyay. rifrif2   1. Timo, dhogor iwm si aan sinnayn u xiirid. 2. Waraaq, maro iwm cadcad yaryar u googooyn. rifrifad  ld rifrifasho.
rifrifan1   Timo, dhogor, derin, xaashi iwm, wax rifrifmay noqosho. rifrifan2   Timo, dhogor, waraaqo iwm, wax la rifrifay ahaansho. rifrifasho  eeg rifrifo. ld rifrifad.
rifrifid  eeg rifrif².
page : 1267 of 1584
<< < 1262 1263 1264 1265 1266 1267 1268 1269 1270 1271 1272 > >>

 

Exit mobile version