dabacsanaan ld debecsanaan.
dabacsanaansho ld debecsanaan.
dabacsanow ld debecsanow.
dabaculus Hal marka ay rinto si dhaqso ah aan u goojin.
dabaddookhaan Jaad bariiska ka mid ah oo yaryar oo dhuudhuuban oo aad u wanaagsan.
dabadeed ld dabo¹.
dabadhac Ka d.: wax si aad u jeclaysasho.
dabadhah In yar oo wax la beegay lagu khordiyo; suubis.
dabadheer Muddo dheer wax socday ahaansho (xaajo, roob, abaar,dagaal iwm).
dabadheeraan eeg dabadheer. ld dabadheeraansho.
dabadheeraansho eeg dabadheerow. ld dabadheeraan.
dabadheerow Muddo dheer wax socday noqosho (xaajo, roob, abaar, dagaal iwm).
dabadheh Ka d.: wax qof yiri ku celin.
dabadhicid eeg dabadhac.
dabadhihid eeg dabadheh.
dabadhiig Calool xanuun halis ah, casiraad leh, shuban yar oo dhiig iyo axalo isugu jira oo dadka iyo xoolaha ku dhaca.
dabadhilif1 Cid, cid kale si midiidinnimo ah danaheeda ugu fulisa. dabadhilif2 Barida idaha lafta yar ee dhuuban ee ay ku dhammaato. dabadhilifnimo Dabadhilif ahaansho.
dabaduugato Cayayaan yaryar oo midab cad leh oo dhulka cammuudda ah inta dabada ku qota dhex gala.
dabafadal Ciyaar jiib iyo jaan leh, ragga iyo haweenka wada ciyaaraan oo laga dheelo degmada Eyl.
dabafur1 1. (-rro, m.dh) ld dabakafur. 2. Khiyaamo; dhagar. 3. ld dabafurid. dabafur2 Xog qof u qarsoon kashifid. dabafurid ld dabafur¹ (3).
dabagaab 1. Buntukh gaaban oo meel dhow wax ka dila. 2. Ciidan wata buntukha noocaas ahi.
dabaggaalle Nafley yar, dhir, xagatada ka mid ah oo leh midab guduud xigeen ah; seyn dheer oo dhogor badan leh oo sida badan labada lugood ee dambe isku taaga; tukulush; uunrays.
dabaggal1 1. Baaris qoto dheer oo lagu sameeyo wax qarsoon oo la doonayo in la hubsado. 2. ld dabaggelid. Cidaan qaabilsan baaridda arrin la tuhunsanyahay in ay dhacday ama dhici doonta. 3. Ciidanka nabadsugidda qayb ka mid ah oo qabilsan la socoshada arrimaha dibloomaaysiyiinta. dabaggal2 1. Cid, cid kaloo ka horreeysa gadashooda istaagid ama socosho. 2. Wax qarsoon, baaritaan qotodheer leh ku samayn. dabaggee Ka d.: wax, wax kale oo ka tegay gaarsiin.
dabaggeli Wax, wax kale gadaal kaga xariirin.
page : 14 of 218
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>