Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: olmon
shirfid eeg shirif². ld shurfid.
shiri Dad badan si ay arrin uga doodaan meel isugu keenid.
shirib (1) Cayaar raggu dheelo iyadoo warmo iyo gaashaamo la qurxiyey la sito oo taagnaan iyo socodba lagu tumo.
shirib (2) Shirib cayaarid.
shirid eeg shir².
shirif (1) Ur aan la jeclaysan oo nafleyda ka soo ura. ld shuruf¹.
shirif (2) Nafley ur xun yeelasho. ld shuruf².
shiriid Libaaxbadeed dad qaad ah oo madax dubbaha u eg iyo indho kala fog oo midiba gees ku taal leh.
shirin eeg shiri. ld shiris.
shiris ld shirin.
shirix Lafo yaryar oo dhuux leh, kuna jira lugaha dadka iyo xoolaha.
shirjaraa'id Shir wargeysyada.
shirkad 1. Urur ka kooban laba qof ama ka badan oo si wada jir ah hanti isugu darsada oo ku shaqaysta faa'ii-dadana wadaaga. 2. Xarunta shirkadda. ld sharikad.
shirki (1) Kelinnimada Alle iyo cibaadadiisa oo wax kale lala wadaajiyo.
shirki (2) (iyay, -isay) Cibaadada Alle cid kale la wadaajin.
shirkiyid eeg shirki².
shirko ld shirkad.
shirkoobid eeg shirkow.
shirkow Shirko noqosho.
shirmaa Goorma? ld shimaa.
shirnaan eeg shiran. ld shirnaansho.
shirnaansho ld shirnaan.
shiro (1) 1. Qalashada neef xoolo ah la qasho waqti abaar ah. 2. Sh. ah: neef loogu talaggalay in la qasho. 3. ld shirayn.
shiro (2) Meel daloosha awdasho.
shiroobo ld sharoobo.
shirqool (1) Tashi qarsoodi ah oo loola jeedo in cid lagu dilo ama lagu waxyeelleeyo.
shirqool (2) Cid shirqool u samayn.
shirqoolan (1) Wax shirqool galay noqosho.
shirqoolan (2) Wax la shirqoolay ahaansho.
shirqoolid eeg shirqool².
<< < 1351 1352 1353 1354 1355 1356 1357 1358 1359 1360 1361 > >>

 

Exit mobile version