Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qooshid
tacluus 1. Cudur, bugto. 2. Juucjuuc.
tacshiirad Rasaas koox dad ahi hal mar wada ridaan.
tacsi 1. Hadallo qof laga dhintay loo jeediyo oo lagu samirsiiyo. 2. Lacag loo geeyo qof laga dhintay. 3. Murugo dhawr maalmood loo hayo qof dhintay.
tacsiir (1) Ganaax.
tacsiir (2) Cid ganaaxid.
tacsiirid eeg tacsiir².
tacsiyee U t.: cid laga dhintay hadallo samirsiin ah u jeedin.
tacsiyeyn eeg tacsiyee.
tadbiir Maamulidda si fiican wax loo maamulo (lacag, arrin iwm).
tadcaar (1) ld tacdaar¹.
tadcaar (2) ld tacdaar².
tadcaarasho ld tacdaarasho.
tadcaarid ld tacdaarid.
tadcaaro ld tacdaaro.
taddawur (1) ld taddawurid.
taddawur (2) (c.nafl.) Hab soo korid ah, oo aan hakad lahayn, oo leh horumar gaar ah oo ku xiran waqti go'an.
taddawur (3) Horumar samayn.
taddawurid eeg taddawur³. ld taddawur¹.
tadhah (1) Kibir iyo isla weynaan ku abuurma qof maal ama darajo uu helay darteed.
tadhah (2) Qof maal ama darajo uu helay awgeed, kibir iyo isla weyni ku abuurmid.
tadhihi Qof kibrin.
tadhihid eeg tadhah².
tadhihin eeg tadhihi. ld tadhihis.
tadhihis ld tadhihin.
taf (1) 1. Maro dacalkeed. 2. Bowdada inteeda hoose.
taf (2) 1. Meel aan sallaan loo fuulo lahayn korid. 2. Cid turunturreyn.
tafaaful (1) 1. Saadaal xun oo cid lala helo. 2. Sixir; fal. ld tafaawul¹.
tafaaful (2) 1. Cid sixrid; falid. 2. Saadaal xun la helid. ld tafaawul².
tafaafulid eeg tafaaful². ld tafaawulid.
tafaal Wadiiqo yar oo isku xirta laba waddo oo is barbarsocda.
<< < 1406 1407 1408 1409 1410 1411 1412 1413 1414 1415 1416 > >>

 

Exit mobile version