Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mudniin
tib  Ul weyn oo siyaalo kala duwan loo isticmaalo, badarkana lagu tumo.
tibaax1  1. War aan xaqiiqdiisa la hubin. 2. Qaabka xisaabta aljebriga. 3. ld tibaaxid. tibaax2  Wax u malayn. tibaaxid  eeg tibaax². ld tibaax¹ (3).
tibayn  eeg tibee.
tibee  1. Qof tib ku garaacid. 2. Wax tib ku tumid.
tibix-guud  1. (xis.) Guud ahaan, qayb ka mid ah isle'eg ama tibaax-xisaabeed. Marka laga hadlaayo tibxaale tibixyadu waa tibaaxaha oo la isugeeyo. 2. (xis.) Tibixda guud ee susun ama dareerin waa tibaax la hoos dhigay abyoone, kaas oo lagu helo geleye kasta ee rabo.
tiblabood  Qarnugeyl.
tibsi  Saxan macdan ama maar ka samaysan, ballaaran oo cuntada lagu cuno.
ticisi  Nooc ka mid ah qaadka oo ka yimaada magaalada Ticis ee dalka Yemen.
tidac  ld tidic¹.
tidcamid  eeg tidcan¹.
tidcan1  Timo, xarig iwm wax la tidcay noqosho. tidcan2  Timo, xarig iwm wax tidcay ahaansho. tidcanaan  eeg tidcan². ld tidcanaansho.
tidcanaansho  ld tidcanaan.
tidcasho  eeg tidco.
tidcid  eeg tidic². ld tidic¹.
tidco  1. Xarig soohasho. 2. Timo tidcasho.
tidic1  1. ld tidac. T. ah: wax tidcan. 2. ld tidcid. tidic2  Dun, xarig, timo iwm hab gaar ah isugu soohid. tif1  1. (-faf, m.l) T. ah: wax buuxa oo aan dhinnayn. 2. Cad ama daliig dun ah ama caws. 3. Dhibcidda. tif2  Cod lagu muujiyo dhibcidda. tif3  1. Qori wax dhuuban ka dhigid. 2. Wax duf ka rifid. tifaftir1  ld tifaftirid. tifaftir2  War iwm si bayaan ah oo qeexan u sheegid. tifaftiran  Wax la tifaftiray ahaansho.
tifaftirane  (nax.) Curiyaha la tifaftiro sida “ninkan” (“nin” ayaa ah midka tifaftiran).
tifaftire  (nax.) Curiye tifatira mid kale (tus.: ninkan, “kan” ayaa tifaftire ah).
tifaftirid  eeg tifaftir². ld tifaftir¹.
page : 1434 of 1584
<< < 1429 1430 1431 1432 1433 1434 1435 1436 1437 1438 1439 > >>

 

Exit mobile version