waasii Cid wax ay heli lahayd gefsiin. ld weysii.
waasiin eeg waasii. ld weysiin.
waat (fiis.) Summad W. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee awoodda, waxana loo qeexaa awood le'eg hal juul halkii seken (Juul/seken).
waawaray Erey dareen oo tilmaama yaab, naxdin ama baahi oo kaalmo ah.
waax 1. Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybiyey meeshood; rubuc, rubi. Tus. “Hasha la qaley waax iga sii”. 2. Qaybaha waaweyn ee kala duwan ee hay'ad maamul u qaybsantahay middood.
waaxayn eeg waaxee. ld waaxyayn.
waaxaysasho eeg waaxayso.
waaxayso 1. Wax afar meelood u kala qaybsasho. 2. Wax qaybo isla eg ka dhigasho. ld waaxyeyso.
waaxee Wax afar meelood u qaybin. ld waaxyee.
waaxid 1. W. ah: kali ah, aan cidi wehelin (Ilaah). 2. Mid ama kali.
waaxyayn ld waaxayn.
waaxyee ld waaxee.
waaya-arag W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iwm. ld waayo-arag.
waaya-aragnimo Waaya-aragnimo ahaansho; khibrad. ld waayo-aragnimo.
waayadii dhexe (taar.) Wax la xiriira waqtayadii dhexe intii u dhexeeysay 1100 Ciise kaddib gaar ahaan taarikhada Yurub.
waaye ld weeye.
waayee Ilmo si uu u seexdo ruxid.
waayeel1 Qof fil weyn ama wax garad ah. waayeel2 ld waayeelow. waayeelid ld waayeeloobid.
waayeelnimo Waayeel ahaan.
waayeelow Waayeel noqosho.
waayeyn eeg waayee.
waayid eeg waa². ld waayis.
waayir Xarig macdan ah; silig.
waayis ld waayid.
waayo1 1. Waqti hore oo la soo dhaafay. 2. Dhacdooyin la soo joogay; wacaal. 3. Arrin; xaal; sah. 4. Dhibaha adduunka; tabaalo. waayo2 Erey lagu xiriiriyo weer sababley ah; sababtu waxaa weeye, maxaajira, maxaawacay, maxaayeelay. Tus. “Xasan wuu iska tegay, waayo, waad ka caraysiisay”. waayo3 1. Waa ayo?, waa kuma? 2. Sababtu maxay tahay? waayo-arag ld waaya-arag.
page : 1480 of 1584
<< < 1475 1476 1477 1478 1479 1480 1481 1482 1483 1484 1485 > >>