dhoobeysnaan eeg dhoobeysan. ld dhoobeysnaansho.
dhoobeysnaansho ld dhoobeysnaan.
dhoobeyso Wax dhoobo marsasho.
dhoobid eeg dhoob³.
dhooble (juqr.) Dhagax wareegsan oo baraf weyne uu ka soo qaaday meeshiisii hore geeyayna fogaan door ah; baraf weynuhu markuu dhalaalana halkuu ku dhalaalay ayaa looga tagaa dhagaxaas.
dhooblow Koob ama baaquli dhoobo ka samaysan.
dhoobmid eeg dhooban¹.
dhoobnaan eeg dhooban². ld dhoobnaansho.
dhoobnaansho ld dhoobnaan.
dhoobo1 Ciid budo ah, qoyan oo is haysata. dhoobo2 (jool.) Nooc ciidda ka mid ah oo ah budo khafiifa, oo ah ma habe. Dhoobadu waxay noqotaa balaastig marka biyo lagu daro. Dhoobadu waxay ka koobantahay dhadhaabo-lakabeed iyo aluminiya. dhoobo3 1. Meel istuumin (xoolo, dad iwm). 2. Waabaayo marsasho (fallaar). 3. Dhis (guri iwm) salaaxasho. 4. Wax dhoobo marsasho. 5. Dheri iwm dhoobo ka samaysasho. dhoobo-guduud (jool.) Nooc tuullimaad oo daboola meelaha hooseeya iyo moolka gunta bad weynta, meelahaas oo gundhererkoodu 4.000 oo mitir uu ka badanyahay; dhoobo guduudaasi waxay sida badan ka kooban tahay walaxaan orgaanig ahayn.
dhooboobid eeg dhoobow.
dhoobow Dhoobo noqosho.
dhoocil1 Rati weyn; xaas-walwaal. dhoocil2 1. Gabar aan weli qaangaarin; foodley. 2. Naag aad u buuran. dhoocilnimo Dhoocil ahaansho.
dhood1 Faan; baan; tookh. dhood2 Hadal ammaan iyo isla weynaan huwan qof iska sheegid. dhooddi Dhul ciiddiisu dibir tahay.
dhoodhow Nooc cambaha ka mid ah oo buruq badan leh.
dhoodid eeg dhood².
dhoof1 1. (-faf, m.l) Dalka oo dibadda laga aado. 2. (-faf, m.l) Badeeco dibadda laga keeno. 3. ld dhoofid. dhoof2 Ku dh.: dal dibad ka aadid. dhoofi 1. Qof dal kale u dirid. 2. Badeeco dal kale u iibgeyn.
dhoofid eeg dhoof². ld dhoof¹ (3).
dhoofin eeg dhoofi. ld dhoofis.
dhoofis ld dhoofin.
dhoofiye Qof badeeco dal kale u iibgeeya.
page : 151 of 218
<< < 146 147 148 149 150 151 152 153 154 155 156 > >>