xamaarasho eeg xamaaro. ld xamaarad.
xamaarato Nafleyda inteeda xamaa-rasho ku socota: waxay leeyihiin lugo gaag-gaaban oo gummudyo la moodo (diin, ya-xaas, kd.).
xamaarid eeg xamaar.
xamaaro Ayadoo la dhabbacanyahay bog ku socosho.
xamaasad 1. Dareen xooggan oo nafsaani ah oo ka dhasha dhacdo beerqaad leh oo qofku muujiyo farxad, jidbo, yaab iwm. 2. Ficil.
xamakow Geed aan dhulka ka kicin oo leh laamo buurbuuran oo wada hilib iyo biyo ah oo dusha kurtummo yaryar oo badan ku leh.
xamar1 X. ah: midab guduudan. xamar2 Raqay. xamash Deegaan aad u baxday oo aan la daaqin.
xamasho eeg xamo.
xambaar1 La bixidda gabar la guursanayo xoog lagula baxo. ld xambaarid. xambaar2 1. Wax dhabarka ku qaadid. 2. Ku x.: cid xumaan dhaxalsiin. 3. Gabar guur laga rabo xoog kula bixid. xambaarad ld xambaarsasho.
xambaaraggudub Tabaha legdanka nooc ka mid ah oo labada qof oo legdamaya midkood kan kale kor u qaado oo dhulka ku dhufto.
xambaaran Wax la xambaaray ahaansho. ld xambaarsan.
xambaarasho eeg xambaaro. ld xam-baarsasho.
xambaarid eeg xambaar². ld xambaar¹.
xambaarnaan eeg xambaaran. ld xambaarnaansho, xambaarsanaan, xam-baarsanaansho.
xambaarnaansho ld xambaarnaan.
xambaaro1 Dhabar wax ku qaadid, dhabarka wax lagu qaado. xambaaro2 1. Wax dhabarka ku qaadasho. 2. Gabar la guursa-nayo xoog kula bixid. ld xambaarso. xambaarsad ld xambaarsasho.
xambaarsan ld xambaa-ran.
xambaarsanaan ld xambaarnaan.
xambaarsanaansho ld xambaarnaan.
xambaarso Wax dhabarka ku qaadasho. ld xambaaro.
xambali 1. Nin rumaysan ama raacsan mad-habta Xambali. 2. Afarta mad-hab ee diinta islaamku u qaybsan tahay middood.
xambus Jajab qoryo ama saalo.
xamdi1 Mahad; shugri; xamdinnaq. xamdi2 Ku x.: Eebbe u mahad naqid; shukrin.
page : 1529 of 1584
<< < 1524 1525 1526 1527 1528 1529 1530 1531 1532 1533 1534 > >>