biyamar Raadka uu roobka ku reebo meesha uu ku da'ay.
biyamarin Si xoog leh oo roob meel ugu da'o.
biyamaris (1) Roob xoog leh oo biyihiisu daad soo rogaan.
biyamaris (2) Biyo roob daad soo rogid.
biyammacee Dhar saabuun lagu dhaqay biyo saafi ah ku raacin.
biyammaceyn eeg biyammaacee.
biyammaddaadshe B. ah: rati hayin ah oo carruurta iyo maqasha la saaro marka la guuro.
biyammareen Jeex; tog; kanaal.
biyantooni Nin shaqo-hoosaad ka qabta xafiisyada oo munshaar ku qaata. ld biyatooni.
biyantooniyad ld biyatooniyad.
biyaqabad ld biyaqabatin.
biyaqabatin Meel godan oo biyuhu fariistaan. ld biyaqabad.
biyarraaci Wax hore loo mayray biyo saafi ah oo wasakhda ka dhammeysa ku dhaqid.
biyarraacin eeg biyarraaci.
biyashub Meel dabiici ama dad sameeyey ah oo ay biyuhu si habeysan uga daataan.
biyashubad ld biyashubasho.
biyashuban 1. Meel ku wada shumbid. 2. Hadal ama arrin dulucdiisa meel isugu aruurmid.
biyashubasho eeg biyashubo. ld biyashubad.
biyashubmid eeg biyashuban.
biyashubo Ku b.: hadal arrin iwm dulucdiisa meel isugu uruurid.
biyatooni ld biyantooni.
biyatooniyad Haweeney ku munshaar qaadata shaqo-hoosaadka xafiisyada. ld biyantooniyad.
biyaxir Dhismo loogu tala galay in biyaha webiyada socodkooda lagu hakiyo si loo keydiyo, heerkoodana kor loogu qaado. ld biyaxireen.
biyaxireen ld biyaxir.
biyayari ld biyayaro.
biyayaro Meel aan biyo badan lahayn. ld biyayari, biyayarood.
biyayarood ld biyayaro.
biyee 1. Wax biyo ku darid. 2. Wax biyo ka badan ku darid.
biyeyn eeg biyee.
biyo (1) 1. Hoore aan lahayn midab, dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha. 2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig nafley marka ay isu galmoodaan ee uu ubadku ka abuurmo.
<< < 151 152 153 154 155 156 157 158 159 160 161 > >>