yad2 1. Cid ama wax gacan wax ku yeelid. 2. Gacan wax ku dhigid. 3. ld yad 2. U y.: cid wax siin. 4. Ku y.: cid gacan wax ku yeelid. yadan Biyo fadhiisin yar oo hoos u dheer, qaranka dushooda ku samaysma.
yadid eeg yad².
yagcar (bot.) Geedka mayddiga dhalo.
yagleel1 ld yagleelid. yagleel2 1. Xero ama deyr si ku meel gaar ah u samayn. 2. Labo qof oo is guursanaaya guri u dhisid. yagleelid eeg yagleel². ld yagleel¹.
yah Erey wixii la qoonsado oo la haaraama hayo lagu yiraahdo; hah! caku!.
yahaabur Y. ah: qof lixaad weyn.
yahaaburnimo Yahaabur ahaansho.
yahan 1. Dhagax, adag, xanaf leh oo middiyaha, toorriyaha iwm lagu afeeyo. 2. Baydari; ugaarsade; laaye; dile; hargaanti. 3. Hadii magac gadaal loogu liifaqo xirfad ayuu muujiyaa. Tus. “Dagaalyahan, aqoon-yahan iwm”.
yakayn eeg yakee.
yake 1. Ganaax weyn oo la saaro cid jebisey xeer u degsan bulsho dhaqan wadaag leh. 2. ld yeeg.
yakee Cid ganaax weyn saarid.
yakeysan Qof yakoobay ahaansho.
yakeysanaan eeg yakeysan. ld yakeysa-naansho.
yakeysanaansho ld yakeysanaan.
yakoobid eeg yakow.
yakow Qof xujoobid.
yal Dabayl qabow oo roobku keeno.
yalaalug Lallabo. ld yalaalugo.
yalaalugo ld yalaalug.
yalaalugoo Qof yalaalugo dareemid.
yalaalugood eeg yalaalugoo.
yalaalugsan Qof yalaalugo hayso ahaansho.
yalaalugsanaan eeg yalaalugsan. ld yalaalugsanaansho.
yalaalugsanaansho ld yalaalugsanaan.
yalalaxo ld yalanyalxo.
yalanyalxo Dabayl qabow oo roobku markuu da'o ka dib timaada. ld yalalaxo.
yalanyalxoo Dhaxan yar dareemid cabsi awgeed.
page : 1576 of 1584
<< < 1571 1572 1573 1574 1575 1576 1577 1578 1579 1580 1581 > >>