yoobsanaan eeg yoobsan. ld yoobsa-naansho.
yoobsanaansho ld yoobsanaan.
yoobsasho eeg yoobso.
yoobso Dad ama xoolo meel tuurasho.
yooco (bot.) Geed kolkuu koro sal weyn yeesha oo haamo waaweyn iyo weelal kale laga qoro.
yoofil Timo aan la firin ee si xun ku dheeraada; yoos; baabbul; hoolif.
yookayn eeg yokee.
yookaysan 1. Xoolo, wax addimada ka xiran ahaansho. 2. Xoolo wax geed lagu qabbiray ahaansho.
yookaysnaan eeg yookaysan. ld yoo-kaysnaansho.
yookaysnaansho ld yookaysnaan.
yookee 1. Xoolo addimo ka xirid. 2. Xoolo geed ku qabbirid.
yooko Wax soo baxsan ama kor u likaysan.
yool 1. Degganaansho la'aan nafley ka muuqata. 2. (-lal, m.l) Sal; gun; madhaafaan. Maalintii y.ka: maalinta qiyamaaha. 3. (-lal, m.l) Goob; madal; garoonka gudahiisa meesha kubbadda cagta iwm lagu dheelo.
yoolaal Si macno la'aan ah meel u istaagid.
yoolaalid eeg yoolaal.
yoolgaar1 ld yoolgaarid. yoolgaar2 Ka y.: arrin iwm ka gungaarid. yoolgaarid eeg yoolgaar². ld yoolgaar¹.
yoolyool1 1. Cayaaro dhawr ah oo ay dhallinyaradu dheelaan habeenkii ama maa-lintii waqtigana ku gaabsadaan, waxaana ka mid ah ciyaar labo goobood (yool) leh oo isaseemid (istaabasho) iyo orod ku badan. 2. ld yoolyoolid. yoolyool2 Xoolo ama dad wax xasillooni darro ka muuqato no-qosho. yoolyoolid eeg yoolyool². ld yoolyool¹ (2).
yoome (muus.) Jaad ka mid ah Durban-nada.
yoomid eeg yoon². ld yulqamid.
yoon1 Hugun; bulaan; qablan; yeer. ld yulqan¹, yulul. yoon2 Dad, xoolo ama nafley kale qaylo samayn; wada hugmid; bulaamid. ld yulqan². yoonge Dheri weyn oo hilbaha geela lagu kariyo.
yoos Timo iska baxa oo aan la ilaalin; yoofil; baabbul.
yoose Mingiska la tunto qaybihiisa mid ka mid ah.
yooyootamid eeg yooyootan². ld yooyootan¹ (2).
yooyootan1 1. Cayaar sii baabba'aysa oo wiilal iyo gabdho laysu caayo, cay kaftan ah oo aan laga caroon: mirihiisu, suugaan ahaanta aad bay u fiicanyihiin haseyeeshee cayda xun oo uu ku dhisanyahay baa dishay. 2. ld yooyootamid.
page : 1582 of 1584
<< < 1577 1578 1579 1580 1581 1582 1583 1584 >