Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: sargoosasho
yutucso Wax ama arrin qabsasho.
yuub (1) Wiilasha la gudo cadka laga gooynaayo; buuryo; beejo.
yuub (2) 1. Wax soo tagid. 2. Wax istaajin. ld yuuc².
yuuban 1. Wax soo taagan ahaansho. 2. Wax taagan ahaansho.
yuubid yuuc². ld yuucid.
yuubnaan eeg yuuban. ld yuubnaan-sho, yuucnaan, yuucnaansho.
yuubnaansho ld yuubnaan.
yuuc (1) Yaaw laba loo dhigay middood.
yuuc (2) ld yuub².
yuucan ld yuuban.
yuucid ld yuubid.
yuucnaan ld yuubnaan.
yuucnaansho ld yuubnaan.
yuuq Cid wax ku taagid.
yuuqan Wax la yuuqay ahaansho.
yuuqid eeg yuuq.
yuuqnaan eeg yuuqan. ld yuuqnaan-sho.
yuuqnaansho ld yuuqnaan.
yuur Duubidda qof sarta wejiga duubo marka uu wax diiddanyahay
yuuriya (kiim.) Adke cad oo wiriqaysan oo ku milma biyaha CO(NH2), yuuriya waa maxsuulka naytaroojiineed ee ugu dambeeya qashinsaarka naasleyda.
yuurur (1) 1. Fadhi; yoxoob; kuudud. 2. ld yuururid.
yuurur (2) Muddo badan hawl la'aan meel fadhiyid; yoxoobid; kuududid.
yuururid eeg yuurur². ld yuurur¹ (2).
yuxuud Y. ah: qof aad gabow u ah.
<< < 1579 1580 1581 1582 1583 1584

 

Exit mobile version