acuudu-billaysad ld acuudu-billaysasho.
acuudu-billaysasho eeg acuudu-billeyso. ld acuudu-billeysad, acuudu-billeysi, cawdu-billeysad.
acuudu-billeysi ld acuudu-billeysasho.
acuudu-billeyso Ka a.: wax shartooda Ilaah ka magan gelid. ld cawdu-billeyso.
acyuun 1. Jaadadka geela mid ka mid ah. 2. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto. ld cayuun¹.
adaa Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'aa' 1.
adaadax1 1. Socodka lala dhacdhaco tabar darro darteed. 2. Meesha ay iska galaan dhulka iyo buurta. adaadax2 Tabar darro awgeed la dhicdhicid (qof). adaadi Lacag sanuud ah oo qiimaheedu dhanyahay labaatan senti.
adaadixid eeg adaadax².
adaadumasho eeg adaadumo.
adaadumid eeg adaadun².
adaadumo Wax unkasho (hanti).
adaadun1 Unkidda xoolo, aqal iwm la unko. adaadun2 Xoolo, aqal iwm unkid. adaahi Geed xooluhu ku dhacartaan oo leh sal weyn oo wada buruq ah iyo laamo yaryar oo dhuudhuuban.
adaan Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi', 'aa 1' iyo 'aan 1'.
adaarbiciid Nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togagga, wuxuu leeyahay miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa ka mid. ld adarbiciid.
adab1 Suugaan. adab2 1. Qalab u gaar ah aqal Soomaaliga oo wax lagu rito sida qufadda, xashinta iwm. 2. Kolay yar oo ka samaysan harag ama mayrax oo ay haweenku wax ku gurtaan. adable Dhul carro cad iyo carro madow isugu jira, geedo dhaadheer ka baxaan oo beerashada ku wanaagsan.
adaddaah1 ld adaddaahid. adaddaah2 1. Madaxwareer yar. 2. Jirro muddo lala jiifey si tartiib ah uga bogsasho. adaddaahid eeg adaddaah². ld adaddaah¹.
adag (adkaa, adkayd; ad'adag) 1. Wax aan jilicsanayn ahaansho. 2. Wax xoog iyo karti leh ahaansho.
adamaddoon Qof ugaarsada dugaagga iyo ugaarta intooda halista ah. ld adame.
adame ld adamaddoon.
adami Nafley ugaarsiga ku nool.
adamiyeysasho eeg adamiyeyso. ld adamiyeysi.
adamiyeysi ld adamiyeysasho.
page : 17 of 75
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>