Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: maleeqo
bulaalid eeg bulaal². ld bulaal¹.
bulaalin eeg bulaali.
bulaamid eeg bulaan². ld bulaan¹.
bulaan (1) 1. Cod weyn aan ereyadiisu sugnayn oo dad badan oo isku mar hadlaya sameeyaan. 2. ld bulaamid.
bulaan (2) Dad badan oo isku mar hadlaya codweyn oo aan ereyadiisu sugnayn sameyn.
bulac ld mulac.
bulan Ul qoyan, maro iwm bul yeelasho; sii gurmid.
bulay Mayrax feeran oo haamaha bul lagu catireeyo.
bulayn eeg bulee.
bulaysan Wax bul loo yeelay ahaansho.
bulaysnaan eeg bulaysan. ld bulaysnaansho.
bulaysnaasho ld bulaysnaan.
bulbul (1) B. ku ah: cilmi aqoon aad u sarreysa loo yeesho.
bulbul (2) Dhogor badan, dhaadheer, jilicsan oo ay nafleyda qaarkeed yeelato.
buldi (1) Bir dhagax iwm oo xarig dheer ku xiranyahay oo lagu cabbiro qotada biyaha badda, webiga iwm.
buldi (2) Biyo bad, webi iwm qotodooda cabbirid.
buldiyid eeg buldi².
bule Qof habeeya ama isku duwa hawsha riwaayadda ama filinka.
bulee Maro, ul iwm bul u yeelid.
buli Shimbir-malab.
bulid eeg bul².
buliis ld boliis.
bullaacad God musqul, dhuumaha qaada wasakhda musqulaha.
bullaale 1. Faras midabka dambarka leh. 2. Nooc ka mid ah jaadadka gorgorka.
bullo 1. Ciyaar hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, ragga iyo haweenku wada ciyaaraan, leh jiib, jaan, buun, durbaan iyo biro la isku garaaco. 2. B. ah: midab fardood dambarka u eg.
bulmid eeg bulaan.
bulshannimo Bulshey ahaansho.
bulshee 1. (f.g) Qof bulshey ka dhigid. 2. (f.mg) Ciyaar, dhalinyareyn iwm wakhti ku lumin.
bulshey Qof dhaqan iyo anshax wanaagsan kula dhaqma bulshada uu la noolyahay.
bulsheyn eeg bulshee.
<< < 165 166 167 168 169 170 171 172 173 174 175 > >>

 

Exit mobile version