adamiyeyso Nafley ugaarsi ku noolaan.
adan 1. Libaaxa tan dheddig; gool. 2. Ugaarta ama dugaagga intooda laayaanka ah. 3. Koox libaaxyo ah.
adar 1. (-rro, m.dh) Dheri weyn. 2. Qoolley. 3. Geed ka mid ah dhirta aan qodax lahayn.
adarbiciid ld adaarbiciid.
adayg ld adkaan.
addeec1 ld addeecid. addeec2 Cid amar la faray qaadasho. addeecid eeg addeec². ld addeec¹, addeecis.
addeecis ld addeecid.
addeecsan Wax amar la siiyey addeecay ahaansho (qof).
addeecsanaan eeg addeecsan. ld addeecsanaansho.
addeecsanaansho ld addeecsanaan.
addimaad ld addimid.
addimid eeg addin². ld addimaad, addin¹.
addin1 1. Afarta lugood ee xawayaanka middood. 2. ld addimid. addin2 1. (xis.) Tirada kulannada loo baahanyahay in baro lagu muujiyo xarriiq dusheeda, qaab ama adke. Shaxan sallax ah waa laba addimaale, shaxan adke ahna waa saddex addimaale. 2. (xis.) Baaxadda shaxan sallax ama adke ah. 3. (xis.) Mid ka mid ah xaddiyada fisigeed ee salka ah oo loo adeegsan karo in lagu tibaaxo xaddiyo kale. addin3 ld aadaan² (1). addinmaal ld muruqmaal.
addoomoobid eeg addoomow.
addoomow Addoon noqosho.
addoon1 Nin aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; cabiid; bidde. addoon2 Naag aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; biddad. addoonnimo Addoon ahaansho.
addoonsad ld addoonsasho.
addoonsasho eeg addoonso. ld addoonsad, addoonsi.
addoonsi ld addoonsasho.
addoonso Cid addoon ka dhigasho.
adduun 1. Dhulka iyo waxa deggan; ifka lagu noolyahay; duni. 2. Hanti badan. ld adduunyo.
adduunweyne Adduunka oo dhan. ld adduun.
adduunyo ld adduun.
page : 18 of 75
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>