Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
dig2  1. (f.g) Aroos iwm cid ogeysiin. 2. (f.mg) U d.: qof wax u daran oo ku soo fool leh ama lala maagganyahay dareensiin si uu uga gaashaanto. digaag  Shimbir aan duulin, la dhaqdo oo hilibkeeda iyo ukunteedaba la cuno; dooro; luki. ld diyaad, diyaaj.
digad  ld digasho.
digaggub1  Baabbi'inta wax la baabbi'iyo. ld digaggubid. digaggub2  Wax ciribtirid. digaggubid  eeg digaggub². ld digaggub¹.
digarrogad  ld digarrogasho.
digarrogasho  eeg digarrogo. ld digarrogad.
digarrogo  Xero dhiriqowday ama si kale u xumaatay, xero kale oo u dhow uga guurid; oodrogasho.
digasho  eeg digo². ld digad.
digaxaar  Qori xalleefsan oo xeraada xoolaha digeda looga guro.
digdhaw1  1. ld dhigdhebid. Gawricidda nafley la gawraco. 2. D. ah: nafley sakaraad ah. digdhaw2  1. (f.g) Nafley rubad goyn. 2. (f.mg.) Wax sakaraad ah noqosho (nafley). digdhebid  eeg digdhaw². ld digdhaw¹.
digdig  Dafdaf iyo faan been ah.
digdigle  Qof faan iyo dafdaf badan.
digdigo  Meel yar, bannaan, simman, oo ciiddeeda aad loo nabay.
digid  eeg dig². ld digniin. digniinsho.
digiigaxasho  eeg digiigixo. ld dagiigaxasho.
digiigix  1. Naxariis. 2. Meel hoobad ah. ld dagiigix.
digiigixo  1. U d.: cid u naxariisasho. 2. Meel hoobad ah ka daadegasho. ld dagiigoxo.
digiiran  Nooc shimbiraha ka mid ah oo digaagga ka weyn, aan meel fog u duulin, leh midab baraashirix qurxoon, oo hilibkiisa la cuno. ld digirin.
digir1  1. Dabar. 2. Midab madow oo ilkuhu yeeshaan. digir2  Nooc dalagga ka mid ah, dhala miro u eg qaabka kellida, leh midabbo iyo jaadad kala geddisan. ld diir². digirin  ld digiiran.
digirro  Qayb ka mid ah qalabka beeraha lagu falo oo dibidu jiidaan.
diglayn  eeg diglee.
digle  Salamaki.
diglee  1. Dig sameyn (wadne). 2. Nabar iwm dikaamid.
diglow  Cabbitaan laysku dacar falo oo laga sameeyo qashir bun oo la kariyey.
page : 172 of 218
<< < 167 168 169 170 171 172 173 174 175 176 177 > >>

 

Exit mobile version