Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: boolicun
madaxtus2  1. Meel hawl laga hayo,iyadoo aan la doonayn in laga qayb galo, tegid. 2. Cid hawl haysa kormeer aan toos ahayn ku samayn. madaxtusid  eeg madaxtus². ld madaxtus¹.
madaxwareer  ld madax-xanuun.
madaxweyne  1. Qof qaran madax u ah. 2. Bayd faal oo madaxa ka ah labo, saddexda hogood oo kalena min hal.
madaxyaro  (daaw.) Iin madaxa ku dhacda oo yareeysa.
madbacad  Meel dhisan oo ay yaalliin mashino waaweyn oo wax lagu daabaco. ld madbaco.
madbaco  ld madbacad.
madbakh  Jiko; alawaad.
maddaad  1. Khad; dawaad. 2. Awrta waaweyn siiba kuwa qooqan madowga ay ku yeeshaan qadaadka. ld middaad.
maddaalannimo  Maddaale ahaansho.
maddaale  Qof aan hawsha ka daalin, hawlkar.
maddan  Yeel awrta lagu raro oo saanta biciidka laga jeexo.
maddane  Bir xalleefsan oo daab la qabto leh oo iyadoo kulul xoolaha lagu sunto. ld madane.
maddarab  ld maddaraq.
maddaraq  Bir xoogan oo leh af ballaaran iyo mid dhuuban iyo daab dheer oo meelaha adag lagu qodo; garweyn. ld maddarab.
maddaroorshe  Qalabka wax lagu dhiso nooc ka mid ah oo aan biyaha sii dayn.
maddiibad  Baaquli; daafiri.
maddiiddaa  Caws dhaadheer oo adag oo lo'du daaqdo, kana baxa meelaha biya mareennada ah.
maddiiddee  Haweeney maddiiddo ku akhrin.
maddiiddeyn  eeg maddiiddee.
maddiiddeysan  Wax maddiiddo lagu akhriyey ahaansho (haweeney).
maddiiddeysnaan  eeg maddiiddeysan. ld maddiiddeysnaansho.
maddiiddeysnaansho  ld maddiiddeysnaan.
maddiiddo  Wax lagu akhriyo haweeney la rabo in nin la oggoleysiiyo.
maddiidimi  ld midiidimi.
maddiil  ld maliiddo.
maddo  1. Ceelka bartankiisa, meesha ilaha biyuhu isugu yimaadaan. 2. Meesha wax walba u ah bartamaha. 3. Ceelasha aan biyahoodu go'in.
maddooyaa  Geed-naagaar, dhirta dawada ka mid ah, leh ur silloon iyo caleemo yaryar oo xooluhu daaqaan.
maddooyamaddooyo  Nooc ka mid ah cayaaraha carruurtu dheesha oo qori inta la tuuro iyadoo iska dhowraysa in la taabto. ld maddooyo.
maddooye  Nacas; dabbaal; caaq.
page : 19 of 131
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>

 

Exit mobile version