dabool3 1. Weel iwm si ayan wax ugu dhicin afka wax ka saarid. 2. Wax muuqaalkooda qarin. Tus. “Daruur baa cirka dabooshay”. daboolan1 1. Weel iwm wax la daboolay noqosho. 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey noqosho. daboolan2 1. Wax la daboolay ahaansho (weel iwm.) 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey ahaansho. daboole Cudur candhada geela ku dhaca oo ibaha xira. ld daboolo, ibadaboole, ibadaboolo.
daboolid eeg dabool².
daboolmid eeg daboolan¹.
daboolnaan eeg daboolan². ld daboolnaansho.
daboolnaansho ld daboolnaan.
daboolo ld daboole.
dabqaad Qalab yar oo sida badan dhagax jilicsan ama dhoobo ka samayan oo fooxa lagu shito.
dabqabad Birqabad.
dabqid eeg dabaq². ld dabbaqid.
dabraac1 1. D. ah: qof aan hanti lahayn oo qaraabadiisa, saaxiibbadiisa iwm hadba mid la cunteeya. 2. ld dabraacid. dabraac2 Cayayaan baallalley ah, waqtiyada roobka la arko oo ilayska ku soo yaaca; hawtal-hamag. dabraac3 Soo d.: qof meel allabari iwm ka jiraan cunto u raadsasho. dabraacid eeg dabraac³. ld dabraac¹ (2).
dabradduul Duullaan rogaalcelis ah oo cid dhowaan la dhacay lagu sameeyo.
dabramid eeg dabran.
dabran1 Wax dabar ku xirmay noqosho (nafley). dabran2 Wax la dabray ahaansho (nafley). dabranaan eeg dabran². ld dabra- naansho.
dabranaansho eeg dabranow. ld dabranaan.
dabranow Wax si joogto ah u dabran noqosho.
dabrasho eeg dabro².
dabrayn eeg dabree.
dabree Ku d.: cid hore loogu duulay ku rogaal celin.
dabrid1 Tababbar ciidamada la siiyo oo lagu baro habka xabbado rididda. ld debrid. dabrid2 eeg dabar². dabrin Qoobka iyo kubka meesha ay iska galaan; dhaad.
dabro1 1. Geed nagaar dhulka ku faalada, laamo dhuudhuuban oo jilicsan leh, xooluhu daaqaan oo dooxooyinka ka baxa. 2. (-ooyin, m.l) Weerar rogaal celis ah.
page : 22 of 218
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>