Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qooshid
inkir (2) Wax laysku ogaa, laysku lahaa, ama laysku soo eedeeyey, diidid.
inkiraad ld inkirid.
inkirid eeg inkir². ld inkir¹ (2), inkiraad, inkirmo.
inkirmo ld inkirid.
inkirsan Wax laysku ogaa, laysku lahaa, ama laysku soo eedeeyey, wax diiddan ahaansho (cid).
inkirsanaan eeg inkirsan. ld inkirsanaansho.
inkirsanaansho ld inkirsanaan.
inna (1) waxba. ld in¹ (5).
inna (2) ld innaga.
inna (3) ld ina.
innaga Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee wadarta ah oo ku jira kuwa lala hadlayo ama wax loo qorayo. ld inna².
innana Magacuyaalka qofka kowaad oo wadar ah ee ka kooban inna 2 iyo na².
inqaas ld anqaas.
inqilaab (1) Hab aan sharci ahayn oo dawlad dhisan lagu beddelo; afgembi.
inqilaab (2) Dawlad dhisan si aan sharci ahayn ku beddelid; afgembin.
inqilaabid eeg inqilaab².
insaan I. ah: qof raxmad badan, oo hab wanaagsan dadka kula dhaqma.
insaaniyad Dabci wanaagsan oo qof leeyahay; dadnimo; raxmad. ld insaaniyo.
insaaniyo ld insaaniyad.
insaarax (1) U soo hiloobidda lo'da ay u soo hiloowdo dhashoodii; araasi. ld ansaarax¹, araasi¹.
insaarax (2) Dhal u soo hiloobid (lo'). ld ansaarax².
insaarixi Hilow muujis (lo'). ld ansarixi.
insaarixid eeg insaarax². ld ansaa-rixid.
insaarixin eeg insaarixi. ld ansaa-rixin.
insaykolobiidiya Buug culuunta guud ama maadda gaar ahi ay ku qorantahay oo sida ay xarfaha isu xigaan loo habeeyey.
insaym (baay.) Borotiin u dhaqma sida dedejiyaha marka ay dhacayaan falgallada bayokimikeed. Insaym kasta waxa uu goonni u yahay falgal gaar ah ama koox falgalladoodu ay isku mid yihiin.
inshaad (1) Ku luuqeynta qasiida diimeed iyadoo kor loogu luuqeenayo.
inshaad (2) Qasiido ku luuqeyn.
inshaadid eeg inshaad².
insi Nafleyda inta nabi Aadan ka soo farcanta.
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>

 

Exit mobile version