Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaqaan
insuliin (daaw.) Hormoon brotiin ah, oo ay dhiiqaan ilaha langerhan ee ganaca, kaa oo horumariya qaadashada glukows ay qaadanayaan unugyada jidhku, iyo weliba ku-xukumidda ribanaanta dhiigga.
inta 1. Erey tixda qaarkeeda hore ama danbe had la'aan iyo ulajeeddo qabyo ah u yeela una baahi geliya ereyo kaloo caddeeya. Tus. “Inta (aad) dugsiga tagtid, ardayga soo wad”, “Lacagtaan inta (uu) qaado, cunno ha soo gado”. 2. Halka, meeshaan, kobtaan.
intalbi (fiis.) Summada H ayaa lagu asteeyaa waana wadarta tamargudeedka (U) iyo cadaadiska (P) iyo mugga (V) ee hab leeyahay ( H = U + PV).
intee 1. Immisa? 2. Xaggee?.
intifaac (1) 1. Waxtar. 2. ld intifaacid.
intifaac (2) Ku i.: wax, waxtarkiisa ku dhaqmid.
intifaacid eeg intifaac². ld intifaac¹ (2).
intifaacsad ld intifaacsasho.
intifaacsasho eeg intifaacso. ld intifaacsad.
intifaacso Wax intifaac ka helid.
intihayn 1. Tijaabo. 2. ld intihin.
intihee ld intihi.
intihi Wax tijaabin. ld intihee.
intihin eeg intihi. ld intihayn (2).
intikhaab Doorasho dadku u codbixiyo qof loo wakiilanayo barla-maan iwm.
intimooloji Barashada cayayaanka.
intixaaman ld imti-xaaman.
intixaan (1) ld imtixaan¹.
intixaan (2) ld im-tixaan².
intixaanid ld imtixaanid.
intixaannaan ld imtixaannaan.
intixaannaansho ld imtixaannaan.
inyow Cod loola jeedo:”May, ma rabo! Ma rabo in aan sameeyo!” (carruur).
iqtiraax Arrin la soo jeediyo oo loo filayo in ay faa'iido leedahay; talo.
iqtisaad Dhaqaale.
iraarad (1) Afaaf.
iraarad (2) Guri, xero iwm irriddiisa xirid.
iraaradan Wax irriddoodu la xiray ahaansho (guri, xero iwm).
iraaradid eeg iraarad².
iran 1. Daliig lagu sameeyo weelasha la tolaayo oo gucunka kor ka maro. 2. ld inan 1 (3). Isha birteeda. 3. Meesha banka iyo dhulka dhirta leh iska galaan. 4.(-mo, mdh.) Meel kayn ah oo godan, hareerahana ka bannaan.
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>

 

Exit mobile version