intee
(e.we)

1. Immisa? 2. Xaggee?.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh intee

aalo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Lo'da inteeda aan weli gaarin da'dii ay rimi ama wax rimin lahayd.

taf [m.dh] (-fo, m.l)
1. Maro dacalkeed. 2. Bowdada inteeda hoose.

waagii dhuxusha [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waqtigii dhuxul-dhagaxda inteeda badani samaysantay.

xabaalbilaash [m.dh]
Iilka maahane xabaasha inteeda kale.

xamaarato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nafleyda inteeda xamaa-rasho ku socota: waxay leeyihiin lugo gaag-gaaban oo gummudyo la moodo (diin, ya-xaas, kd.).

yeris [m.dh]
1. Ugaarta inteeda yaryar. 2. Caws-ka jaad ka mid ah.

badan [m.l]
B.keenna, b.kiina iwm: inteenna badan, intiinna badan iwm.

bilis [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Bulshada inteeda aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 2. B. ah: qof aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 3. B. xaawo: haween.

bowdo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Lugta inteeda u dhexeysa lowga iyo sinta.

bu' [m.dh]
(bu'o, m.l) 1. Isha nafleyda inteeda madow. 2. Afarta caloolood ee raamsatada middeed. 3. Cudur beeryarada barariya oo kaneecada laga qaado. 4. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar aad u badan..

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg