Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: findoob
iscasil Qof jago iwm oo uu hayey iskiis u wareejin.
iscasilaad Xil iska wareejinta qof uu iskiis isaga wareejiyo jago iwm oo uu hayey.
iscasilid eeg iscasil.
isciilkaabi (1) Is-hiifidda ama ka shallaynta khalad la sameeyey.
isciilkaabi (2) 1. Khalad la sameeyey dartii is-hiifid. 2. Caro darteed faruuryo-qaniinid.
isciilkaabin eeg isciilkaabi². ld isciilkaabiyid.
isciilkaabiyid ld isciilaambin.
isdaafac (1) Baadbaadinta qof naftiisa ka badbaadiya halis ku soo fool leh. ld isdifaac¹.
isdaafac (2) Dhibaato iska badbaadin. ld isdifaac².
isdaafacid eeg isdaafac². ld isdi-faacid.
isdabaggal (1) Socod nafley badan ay socoto oo midka mid ka dambeeyo.
isdabaggal (2) Nafley badan oo socota midba mid ka dambeysa.
isdabaggeli Nafley midba midka kale gadaashiisa ku aaddin.
isdabaggelid eeg isdabaggal².
isdabaggelin eeg isdabaggeli.
isdabamar (1) 1. Isdhaafidda ay laba wax ama ka badan ay isu dhaafaan jihooyinka isku lid ah. 2. Khayaano. ld isdabammar¹.
isdabamar (2) 1. Wax isku qaldamid. 2. Laba wax ama ka badan jihooyin isku lid ah isu dhaafid. ld isdabammar².
isdabamari Wax isku qaldid. ld isdabammari.
isdabamarid eeg isdabamar². ld isdabammarid.
isdabamarin eeg isdabamari. ld isdabamaris, isdabammarin, isdabam-maris.
isdabamaris ld isdabamarin.
isdabammar (1) ld isdabamar1.
isdabammar (2) ld isda-bamar².
isdabammari ld isda-bamari.
isdabammarid ld isdabamarid.
isdabammarin ld isdabamarin.
isdabammaris ld isdabamarin.
isdhaaf (1) 1. Waalli. 2. I. ah: laba addin oo aan isku dhinac ahayn.
isdhaaf (2) 1. (f.g) Laba wax ama ka badan oo jihooyin kala duwan u socda isweydaarasho. 2. (f.g) Laba ama ka badan oo wax isku hayey isnabadgelin. 3. (f.mg) Cid waalasho.
isdhaafdhaaf (1) Is waydaarka ay labo waxyaabood ama ka badan ay jahooyin kala duwan isu weydaartaan dhawr jeer.
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>

 

Exit mobile version