Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaqaan
jidbo  (dii.) Khushuuc diini ah oo qof ku dhaliya in uu is-hanan waayo oo qofku u ekaado mid maqan ama miyirkii ka tegey, badanaana qaylo ama suuxdini weheliso. ld jadbo, jalbo, jibbo, jilbo.
jidboo  (dii.) Jidbo dareemid. ld jadboo, jalboo, jibboo, jilboo.
jidbood  eeg jidboo. ld jadbood, jalbood, jibbood, jilbood.
jidcaanood  1. Diillincaanood; waq-habaar. 2. Wadiiqo isku xirta xerada geela iyo guriga.
jidcad  ld jidcadde.
jidcadde  Waddo baabuurtu marto oo carro adag lagu sameeyey oo aan laami ahayn; jid cad. ld jidcad.
jiddaran  Qof aan gar lahayn ahaansho.
jiddarnaan  eeg jiddaran. ld jiddar-naansho.
jiddarnaansho  ld jiddarnaan.
jidee  Wax sharci ka dhigid.
jideyn  eeg jidee.
jidgabaarre  1. Xiddigaha cirir mid ka mid ah. 2. Godadka dayaxu dego midka saddex iyo labaatanaad.
jidgacanle  1. Xiddigaha mid ka mid ah. 2. Godadka dayaxu dego midka shan iyo labaatanaad.
jidh-dhintay  (daaw.) Qayb jirka ka mid ah oo dhimatay dhiig yari ama dhiig la'an awgeed.
jidh-diid  Kahsi.
jidhaabalaf  War aan dhabtiisa la hubin. ld jadhaabalaf.
jidhaan  Biyo fariisin yar. ld dhiijaan.
jidhi  (bot.) Nooc deegaan ah oo ka kooban geed qaab bixitaankiisu gaabiyo iyo dhir hagaastay (sfunted tress), inta badanna dhererkoodu waa 1-2 mitir, mar marna leh dhir dhaadheer. Waxa laga helaa gobollada roobku ku yaryahay ama leh carro aad ugu xun inay kaymo ka baxaan, sida dhulka oomane-u-eka ah ee cidhifyada lamadegannada; dadka dagganina waxa laga yabaa iney noqdaan reerguuraa, xoolo dhaqato.
jidhida-dhexe  (bot.) Geed abaareed gaaban ee ka baxa gobolka badda cad, wuxuuna ka koobanyahay dhir yaryar iyo qodxaaley. Kuwaas oo adkaysi u leh abaarta; dhirtaas waxaa ka mid ah oliifka iyo mayrtalka. Dhirtani faa'iidada ay u leedahay bani'aadamka waa yartahay, maxaayeelay waa adagtahay si loogu banneeyo beeris.
jidhka Golji  (baay.) Koox ama kooxo moqorro siman ah oo ku dhex jira saytoobalaasamka unugga oo ay ku wareegsanyihiin xuubab, kuna xidhan iliilo balaasmo gudeed laakiin loo isticmaali karo ku xidhidda kaarboohaydraytyada borotiinnada.
jidib  Bir daab leh oo dhirta lagu jaro; masaar.
jidiimad  ld jidiimasho.
jidiimasho  eeg jidiimo. ld jidiimad.
jidiimo  Jidiinqallal ka dhawrid.
jidiin  1. Hunguriga cunnadu marto oo isu haya afka iyo caloosha. 2. Dhuuniga la cuno; gasiin.
jidiindhuumid  eeg jidiindhuun².
jidiindhuun1  Afka iyo dhuunta oo oon dartiis la qallalaan. jidiindhuun2  Harraad awgii afka iyo dhuunta ka qallalid. jidiinqallal1  1. Hunguriga oo oon dartii engega. 2. ld jidiinqallalid. jidiinqallal2  Hunguriga oon dartiis engegid.
page : 30 of 53
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>

 

Exit mobile version