laakee Laako dhalid.
laakeyn eeg laakee.
laakiin (nax.) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tus. “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. ld walaakiin.
laako 1. Laangeed oo labo qaybood u kala baxdo. 2. Mataano. 3. Fallaar, dabbaanta ka yara ballaaran oo aan dhega lahayn.
laakoliit (jool.) Kuus weyn oo dhadhaabo shiileed ah oo ka hooseeya dhulka dushiisa, oo marka qaarkood gaaraysa baaxadda buur; waxaa sababa magmada oo soo dhex gasha qolofta dhulka iyadoon soo gaarin dusha, lakabyada dusha waxaa kor u xooda soo gelitaanka.
laaktays Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.
laal1 Ciyaar laba kooxood loo ciyaaro oo ku dhisan orod iyo isaseemid. ld lool¹. laal2 1. Wax meel kore saarid. 2. Sharci ama xeer hore u jirey tirtirid. 3. Wax meel sare yaal gacan ku tiigsasho. 4. Laal ciyaarid. 5. Gar iyo dood laba dhinac ka dhexeysa meel adag gelin. laalac1 Lalmashada wax meel sare ka lalmadaan. laalac2 Wax meel sare ka lalmasho. laalacshoobid eeg laalacshow². ld laalacshow¹.
laalacshoomid eeg laalacshoon². ld laalacshoon¹.
laalacshoon1 ld laalacshoomid, laalacshow¹. laalacshoon2 ld laalacshow². laalacshow1 Meel sare inta gacmaha lagu qabsado oo la iska soo laalaadiyo (ciyaar jimicsi ku dhisan). ld laalacshoobid, laalacshoon¹. laalacshow2 Ciyaar jimicsi ku dhisan, meel sare inta gacmaha lagu qabsado iska soo laalaadin. ld laalacshoon². laalan1 Wax meel kore saaran noqosho. laalan2 1. Wax meel sare la saaray ahaansho. 2. Arrin aan go'aan laga gaarin ahaansho. 3. Sharci wax la baaba'shey ahaansho. laali Cid warwareejin.
laalid eeg laal². ld laalis.
laalin eeg laali.
laalis ld laalid.
laallaab1 ld laablaab¹. laallaab2 ld laablaab². laallaabad ld laablaabasho.
laallaaban1 ld laablaaban¹. laallaaban2 ld laablaaban². laallaabasho ld laablaabasho.
laallaabid ld laablaabid.
laallaabmid ld laablaabmid.
page : 4 of 46
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>