darajo (1) 1. Heer ama jago shaqo lagu gaaro. 2. Halbeeg saleedka heer kulka ama xaglaha. 3. Xushmo iyo qaddarin. 4. Dhibco imtixaan lagu helo.
darajo (2) 1. (xis.) Summad: (°). Halbeeg lagu cabbiro xaglaha sallaxa ah, taasoo la mid ah 1/360 wareeg dhammaystiran ama 1/90 ka xagal qumman. 2. (xis.) Jibbaarka doorsoome ku jira tibix. Tusaale ahaan tibixda 3y . Tibixda ah 3x y z darajadu waa wadarta jibbaarrada doorsoomayaasha oo ah 6. 3. (xis.) Darajada tibxaale ama isle'eg: waa darajada tibixda leh darajada ugu sarreysa.
daran (1) Geed yar, jaadad badan oo dhooddida iyo dibirka ka baxa oo dhanaan, geelu ku jeelbaxo leh.
daran (2) Ku d.: wax, wax kale ku qasan noqosho. ld darsan².
daran (3) 1. Wax karti badan ahaansho (qof). 2. Wax dhibaato badan ahaansho. 3. Ku d.: wax, wax kale ku qasan ahaansho. 4. Ku d.: qof balwad aad u isticmaala ahaansho. 5. U d.: wax cid dhibaateeya ahaansho. ld darsan³.
darancad Nooc daranta ka mid ah oo meelaha cusbada badan ka baxda.
darandawaco Nooc daranta ka mid ah oo aayan xooluhu jeclayn.
darandoorri (1) 1. Nooc ciyaarsiiska ka mid ah oo uu qofka taagani si aan kala go'lahayn cagaha dhulka ula dhaco. 2. D. ah: fal aan si kala go'lahayn u dhaca. 3. dl. darandoorriyid.
darandoorri (2) 1. (f.g) Neef geel ah, laba nin hal mar si dhaqso leh u wada lisid. 2. (f.g) Rasaas iwm si aan kala go'lahayn u ridid. 3. (f.mg) Si isdabajoog ah cagaha dhulka ula dhicid.
darandoorrin ld darandoorriyid.
darandoorris ld darandoorriyid.
darandoorriyid eeg darandoorri². ld darandoorri¹ (3), darandoorrin, darandoorris.
darangee Xoolo, meel daran leh daajin.
darangeel Nooc daranta ka mid ah oo dhaadheer.
darangeyn eeg darangee.
darankutaal Nooc daranta ka mid ah.
daranmadow Nooc daranta ka mid ah, gaagaaban, oo midabkeedu madowyahay.
daranyo Dacdarro.
daranyoo Dacdarro la kulmid.
daranyood eeg daranyoo.
darar (1) 1. Caano badan oo candho xoolaad ku yaal. 2. ld dararid.
darar (2) Neef xoolo ah candhadiisa caano badan ka muuqasho.
darari Neef xoola ah nafaqo uu ku dararo siin.
dararid eeg darar². ld darar¹ (2).
dararin eeg darari.
dararsasho eeg dararso.
dararso Neef xoolo ah darar ka maalid.
daras Qof boorane ku kacsanyahay oo aan weli laga tumin.
darasho eeg daro².
darato Cudur halis ah sambabada idaha ku dhaca oo diif iyo qufac badan leh.
<< < 323 324 325 326 327 328 329 330 331 332 333 > >>