daruurnugul Daruur weyn oo hoos yeelata aanse di'in.
daruuro (1) Siriqda loo yeelo xarig wax lagu qabanayo.
daruuro (2) Kabo, maro iwm liid qurxan ku tolasho.
darwiish Mid ka mid ah ciidankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee u dagaallami jirey xornimada Soomaaliyeed.
darxad Tarash; xiddo.
darxadayn eeg darxadee.
darxadee Maro darxad u yeelid.
darxumayn eeg darxumee.
darxumaysad ld darxumaysasho.
darxumaysan Wax darxumo hayso ahaansho.
darxumaysasho eeg darxumayso. ld darxumaysad, darxumaysi.
darxumaysi ld darxumaysasho.
darxumaysnaan eeg darxumaysan. ld darxumaysnaansho.
darxumaysnaansho ld darxumays- naan.
darxumayso Wax darxumo la kulmid.
darxumee Wax darxumo la kulmid.
darxumi ld darxumo.
darxumo Xaalad silic iyo rafaad leh. ld darxumi.
daryaamid ld dayaamid.
daryaan (1) ld dayaan¹.
daryaan (2) ) ld dayaan².
Daryeel (1) Waxtar; kaalmo; taageero; gargaar. 2. ld daryaalid.
daryeel (2) Wax xannaanayn.
daryeelid eeg daryeel². ld daryeel¹ (2).
daso Hooy yar oo ka samaysan raro; qoryo, dhoobo iwm.
dastuur ld tastuur.
daw (1) 1. Waddo, dariiq; jid. 2. Wax habboon ama xaq ah. ld dow.
daw (2) (juqr.) Meel gaaban lagana gudbi karo ee buuro is haysta oo hakiya dhaqaaqa.
daw (3) Ceelal badan oo isku meel ku yaalla.
dawaad 1. Khad. 2. Weelka khadda lagu shubto. 3. Madow khadka u eg oo awrka qoorka ahi ku yeelato qadaadka. ld tawaad.
<< < 330 331 332 333 334 335 336 337 338 339 340 > >>