Ereyga Maanta: darfooley
dayactir (1) 1. Dib u hagaajinta lagu sameeyo guri, qalab iwm oo wax ka xumaadeen. 2. Ka ilaalinta wax laga ilaaliyo darxumada iyo baylahda.
dayactir (2) 1. Guri, qalab iwm wax ka xummaday dib u hagaajin. 2. Wax darxumo iyo baylah ka ilaalin.
dayactiran Wax la dayactiray ahaansho.
dayactirid eeg dayactir².
dayactirnaan eeg dayactiran. ld dayactirnaansho.
dayactirnaansho ld dayactirnaan.
dayasho eeg dayo².
dayax 1. Ife samada sare ku sugan, qooraxda iftiin ka qaata, habeenno dhulka ifiya oo bishii hal mar dhulka ku wareega. 2. Caddo.
dayaxgacmeed (1) Saaruukh.
dayaxgacmeed (2) (c.fal.) Dhinaca xiddigiska, waa shay yar oo ku meeraysta meere korkiisa; dayaxu, tusaale ahaan, waa d.ka dhulka.
dayaxmadoobaad (1) Marka dhulku kala dhex galo qorraxda iyo dayaxa, oo hooska dhulku madoobeeyo dayaxa.
dayaxmadoobaad (2) (c.fal.) Dayax madoobaadku waxa uu dhacaa marka dhulku isku gudbo fallaadhaha ka imanaya qorraxda inta ayn soo gaadhin dayaxa, waxana dayaxa ku dhaca hadhka dhulka.
daydo Roob da'a xilliga guga ah.
dayeysan Wax dayoobay ahaansho.
dayeysii Nafley jahawareerin.
dayeysiin eeg dayeysii.
dayeysnaan eeg dayeysan. ld dayeysnaansho.
dayeysnaansho ld dayeysnaan.
dayib Waa tahay.
dayicid eeg dayac². ld daayicid, dayacid.
dayid ld deyid.
daymo Jeedinta indhaha wax xaggooda loo jeediyo.
daymoo Wax daymo u yeelasho.
daymood eeg daymoo.
dayn ld deyn².
daynaamiko Qayb ka mid mekaanikada oo la xiriirta xoogagga dooriya ama abuura socodka walxaha. ld dinaamiko.
daynabo (fiis.) Dhaliye danab oo gaar ahaan loogu talagalay in uu dhaliyo qulqul quman.
dayo (1) 1. Caleenta quraca, siiba intay weli qoyantahay. 2. ld dawaco.
dayo (2) 1. (f.g) Ka d.: wax meel ka raadsasho. 2. (f.g) Ka d.: wax, wax kale ka dhex xulasho. 3. (f.mg) Ku d.: qof, qof kale wax uu sameeyey ka daba samayn.
dayoobid eeg dayow². ld dayow¹ (2).
<< < 335 336 337 338 339 340 341 342 343 344 345 > >>