Ereyga Maanta: shukulan
sarrif (1) 1. Lacag jajab ah oo qiimaheedu santiyaal yahay. 2. ld sarrifid.
sarrif (2) Lacag isku taal googo'u dhigma u beddelid.
sarrifan Lacag wax la sarrifay ahaansho.
sarrifasho eeg sarrifo.
sarrifid eeg sarrif². ld sarrif¹ (2).
sarrifnaan eeg sarrifan². ld sarrif-naansho.
sarrifnaansho ld sarrifnaan.
sarrifo Lacag isku taal jajab u beddelasho.
sarriib Laan caleemo leh ilkaha ama gacanta iyadoo aan la sii dayn xoog ugu jiidid si caleentu uga daadato. ld sarriig².
sarriibasho eeg sarriibo. ld sarrii-gasho.
sarriibid eeg sarriib. ld sarriigid.
sarriibo Laan caleemo leh ilkaha ama gacanta iyada oo aan la sii dayn xoog ugu jiidasho.
sarriig (1) 1. Dhawrashada sharafta la dhawrto. 2. Dulqaadka dhibaato loo dul-qaato.
sarriig (2) ld sarriib.
sarriigasho eeg sarriigo. ld sar-riibasho.
sarriigid ld sarriibid.
sarriigo 1. Sharaf iyo magac dhawrasho. 2. ld sarriibo.
sarriiji 1. Wax sharafta iyo haybadda ku xun qof ku qasbid. 2. Wax dhogorta ka murxin.
sarriijin eeg sarriiji.
sarsaar Geed ka mid ah geedaha dhulka ku faalala ama geedaha kale isku mara oo aan qodax lahayn, laamo jiljilacsanna leh.
sarsar (1) 1. Jeexjeex yaryar oo aan maqaarka dhaafsanayn oo oogada loo yeelo. 2. Oodda reerka dusha uga wareegsan; deyr; meegaar; 3. Dhinac.
sarsar (2) Qof oogadiisa jeexjeex u yeelid.
sarsarid eeg sarsar².
saruuradow 1. Jeelka hilib cunidda loo qabo. 2. Cudur ay hilib ka raagiddu keento. 3. Roobsugow.
sarwaan ld sargaan.
sarwacan Qof dadka ka dabci duwan ahaansho.
sarwacnaan eeg sarwacan. ld sarwacnaansho.
sarwacnaansho ld sarwacnaan.
sarweji 1. Haragga wejiga xoolaha laga bixiyo. 2. Haragga wejiga dadka.
saryan Biciid lab oo tabar gal ah.
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 > >>