Ereyga Maanta: hadwasho
dhirfoonaan eeg dhirfoon. ld dhirfonaansho.
dhirfoonaansho ld dhirfoonaan.
dhirhoosad Nagaarka geed-gaabka iyo cawska.
dhirif (1) Caro; xanaaq.
dhirif (2) Dhirif dareemid.
dhirifoobid eeg dhirifow.
dhirifow (1) 1. Marax. 2. Suyuc.
dhirifow (2) Hilib suyuc yeelasho.
dhirifsan Qof xanaaqsan ahaansho.
dhirifsanaan eeg dhirifsan. ld dhirifsanaansho.
dhirifsanaansho ld dhirifsanaan.
dhirindhir (bot.) Geed-quwaax ay raxanreebta isku bah yihiin oo leh qodax dhumuc weyn oo dheer iyo dheecaan dhammaajo ah.
dhirindhiri 1. Meel qodaxi ku jirto si tartiib ah uga saarid. 2. Arrin si siyaasad iyo degganaan leh ciriir uga saarid.
dhirindhirin eeg dhirindhiri.
dhiriq Digo aad u qoyan.
dhirir Mugga sacab fidsan.
dhirirtayn eeg dhirirtee.
dhirirtaysasho eeg dhirirtayso. ld dhirirtaysi.
dhirirtaysi ld dhirirtaysasho.
dhirirtayso Badar sacab ku qaybsasho.
dhirirtee Badar sacab ku qaybin.
dhirqaad Meel geedaha ku yaal oo dhan ka goyn si loo beero.
dhirqaadid eeg dhirqaad.
dhirrici ld dharrici.
dhirxagato Nafleyda inteeda cunta dubka sare ee geedaha.
dhis (1) 1. Dh. ah: harag iwm la togay. 2. ld dhigid.
dhis (2) Qoryaha, sarabka iwm ee guryaha qaarkood lagu dhiso.
dhis (3) 1. Aqal, dugsi, iwm samayn. 2. Xubno dowlad cusub magcaabid. 3. Qoys cusub asaasid. 4. Harag qoyan ama wax la mid ah inta la kala bixiyo engejin. 5. Qof qurxin.
dhisaal (1) Dh. ah: xirmooyin dhis, sisin iwm oo meel ku urursan.
dhisaal (2) Xirmooyin, dhis, sisin, iwm. meel ku ururin.
<< < 419 420 421 422 423 424 425 426 427 428 429 > >>