hawohankaagid eeg hawohankaag². ld hawohankaag¹.
hawohankaaji Qof wax uu rajo weyn ka lahaa helitaankooda in uu waayo gayeysiin.
hawohankaajin eeg hawohankaaji. ld hawohankaajis.
hawohankaajis ld hawohankaajin.
hawoo Wax damcid.
hawood eeg hawoo.
hawraar Hadal; oraah; weer.
hawshoo Hawl ku mashquulid.
hawshood eeg hawshoo.
hawshoon ld hawllan.
hawshoonaan ld hawllanaan.
hawshoonaansho ld hawllanaan.
hawtulhamag 1. Cayayaan duulduula, habeenkii dabka ifkiisa soo raaca oo ku gubta. 2. Qof aan kala aqoon wax u roon iyo waxa u daran. 3. H. ah: meel aad mugdi u ah ama aad gudcur u ah.
hay 1. (f.g) Wax xafidid. 2. (f.mg) La h.: wax kahelid. 3. (f.mg.) U h.: rati, hal abaahisiin.
hay'ad ld hey'ad.
hayaami Meel fog oo roob ka da'ay xoolo u rarid.
hayaamid eeg hayaan².
hayaamin eeg hayaami.
hayaamiso 1. Xasharad xareedeeyaha u eg, duusha, oo la aaminsanyahay in ay cudur siddo. 2. ld hayoomiso, huyuumiso. Cudur hindhiso iyo illin badan leh oo laga qaado hayaamisada iwm; hinjibiso.
hayaan (1) 1. Dhawr geeddi, aan kala go'lahayn, oo meel fog loogu guuro. 2. H. ah: dad iyo xoolo guuraya oo meel fog u socda.
hayaan (2) Dhawr geeddi oo aan kala go'lahayn meel fog ugu guurid.
hayaay 1.H. baaqid; h. u yeerid. 2. (e.d) Waryaa!; naayaa.
hayaayad ld hadaayad.
Hayahee Yallah!, bax!, tag!, kac!, hus!, yur! ld kis.
hayb Qolo, tol, jinsiyad iwm oo ay cidi ka soo jeeddo.
haybaari Baadi xogteed cid weyddiin.
haybaarin eeg haybaari. ld hay-baaris.
haybaaris ld haybaarin.
haybaaro Baafinta la baafiyo wax lumay.
haybaarsad ld haybaarsasho.
<< < 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 > >>