Ereyga Maanta: xug
diro ld dire.
dirqi (1) 1. Khasab. 2. (fk) Si dhib leh.
dirqi (2) Cid khasbid.
dirqin eeg dirqi². ld dirqis.
dirqis ld dirqin.
dirri 1. Ban diiran oo aan cidi ku nooleyn. 2. Digdigo.
dirrow Baaba; kharrib; laystaan.
dirsasho eeg dirso.
dirso 1. Wax adeegsasho. Tus. “Telefoon baan dirsaday”. 2. Wax dalbasho. Tus. “Cumar baa shaah dalbaday”.
dirxi ld dixiri.
diryaamid ld dayaamid.
diryaan (1) ld dayaan¹.
diryaan (2) ld dayaan².
disembar Bisha 12aad ee sanadka Masiixiga. ld diisembar.
dishibiliin Asluub; maaddo.
disti ld digsi.
distuur (siyaa.) Nidaam dawladeed oo leh sharci, iyo aasaas oo la rabo in lagu maamulo dawlad.
dix Togga intiisa biyuhu maraan oo ciidda jilicsan.
dixad ld dixasho.
dixasho eeg dixo. ld dixad.
dixi (bot.) Cawska xooluhu daaqaan kuwa ugu nafaqa badan mid ka mid ah, jilicsan oo meelaha biyo-qabatinka leh ka baxa. ld duxi¹.
dixiri Dulin xamaarta, noocyo badan, lafo iyo lugo lahayn oo oogadiisna xibnoxibno u qaybsantahay. ld dirxi, dixri, tirxi, tixiri, tixri.
dixo 1. Ciidda ka dusid (biyo ama hoore kale). 2. Biyo qulqulid. 3. U d.: cid u naxariisasho.
dixri ld dixiri.
diyaad ld digaag.
diyaafad Martiqaad weyn oo dad badani ka qaybgalaan oo cunta badan lagu cuno. ld dayaafad.
diyaafadi Martiqaad weyn bixin. ld dayaafadi.
diyaafadin eeg diyaafadi. ld dayaafadin.
diyaaj ld digaag.
diyaaleetiko Xeeladda fekerka iyo ra'yi isdhaafsiga. ld diyaalegtiko.
<< < 457 458 459 460 461 462 463 464 465 466 467 > >>