Ereyga Maanta: lasow
duubduubnaansho ld duudduubnaan.
duubi 1. Lafta shanshada iyo hilibkeeda oo goonni loo gooyey. 2. Nin tol boqorraday. 3. Galoolid; ku marid.
duubid (1) 1. eeg duub². 2. eeg duub³. ld duubis.
duubid (2) Marka meseggada ama galleyda sabuul ka yeelan rabto.
duubis ld duubid¹.
duubmid eeg duuban¹.
duubnaan eeg duuban². ld duub-naansho.
duubnaansho ld duubnaan.
duubo 1. Wax fidsan laalaabasho. 2. Nabar gaarso ku duubasho. 3. Qof boqor ka dhigasho. 4. Duub madaxa ku xirasho. 5. Indho maro ku xirasho. 6. Maro guntasho.
duud 1. Dhir badan oo waaweyn oo xoonsan; toon; kayn. 2. Qof odayga uu ku abtirsanayo aan wax badan ka tirsan. 3. Reer; qabiil.
duud (1) 1. Dhabar. 2. Meel dhulka ka sarreysa oo labada dhan dooxooyin ama togag ka xigan.
duud (2) Biyo yar oo weel biyood salkiisa ku jira. ld duuddo.
duud (3) Buuro xiriira, sanaag.
duud-dhadhaabeed (jool.) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.
duud-garaac (1) ld dhabar-garaac¹.
duud-garaac (2) ld dhabar-garaac².
duud-garaacasho ld dhabar-garaacasho.
duud-garaacid ld dhabar-garaacid.
duud-garaaco ld dhabar-garaaco.
duud-oogeed (jool.) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
duuddo ld duud².
duudduub (1) ld duudduubid.
duudduub (2) 1. Dhawr jeer isku duubid; isku laablaabid; canyayuubid; haryuubid. 2. Guudmarid. ld duubduub².
duudduuban (1) Wax duudduub yeeshay noqosho. ld duubduuban¹.
duudduuban (2) Wax duudduub yeeshay ahaansho. ld duubduuban².
duudduubid eeg duudduub². ld duubduub¹, duubduubid, duudduub¹.
duudduubmid eeg duudduuban¹. ld duubduubmid.
duudduubnaan eeg duudduuban². ld duubduubnaan, duubduubnaansho, duudduubnaansho.
duudduubnaansho ld duudduubnaan.
duudduur (1) 1. Qarinta wax la qariyo. 2. Si kooban oo hadal loo sheego. 3. Laalaabanka maro iwm yeeshaan.
<< < 485 486 487 488 489 490 491 492 493 494 495 > >>