Ereyga Maanta: qaldhow
shaacirays ld shaacirayn.
shaaciree Shaaciro samayn. ld shactiree.
shaaciro Hadal iyo dhaqdhaqaaq loola jeedo in cid looga qosliyo. ld shactiro.
shaaciroole Qof dadka ka qosliya. ld shactiroole.
shaacis ld shaacin.
shaadali 1. Qaxwo qafiif ah oo laga sameeyo qashirka bunka. 2. Shaah badan oo duco ahaan loo baxsho.
shaadir Maro madow oo darfaha isaga tolan oo haweenka muslinka ahi dhex galaan jirkooda oo dhanna ku qariyaan; shuko.
shaafi 1. Cid bugtey caafimaadin (Eebbe). 2. Ka sh.: cid arrin ka bogsiin.
shaafici (1) Qof raacsan mad-habta shaaficiga ee fiqiga diinta Islaamka.
shaafici (2) Afarta mad-habood ee fiqiga Islaamka middood.
shaafii Duco carabi iyo soomaali isugu jirta oo ardayda quraanku maqribkii akhriyaan. ld shaafiin.
shaafiin ld shaafii.
shaafiyid eeg shaafi.
shaag Shay wareegsan oo isugu jira cinjir iyo bir oo baabuurtu ku socdaan. 2. Dhabbe jid cadde ah oo baabuurtu marto.
shaah (1) 1. Geedgaab weligii cagaaran oo ubax cad cad leh kana baxa dalalka Hindiya, Shiinaha, Sayloon iyo bariga Afrika. 2. Caleenta geedka shaaha oo la engejiyey loona diyaariyey in la isticmaalo. 3. Cabbitaan guduudan oo ka kooban caleenta shaaha, sonkor iyo dhir kale oo laysku kariyo. ld shaahi.
shaah (2) Shaah cabbid.
shaahi (1) ld shaah¹.
shaahi (2) Cid shaah siin.
shaahid (1) Marqaati.
shaahid (2) eeg shaah².
shaahin eeg shaahi². ld shaahis.
shaahis ld shaahin.
shaajac Nin geesi ah oo aan baqin. ld shajaac.
shaajacnimo Shaajac ahaansho. ld shajaacnimo.
shaal (1) 1. Go'la huwado oo badanaa laga sameeyo dhogorta idaha, midabbo badanna leh oo laga keeno Kashmiir. 2. Aliindi.
shaal (2) Gaadiid badeed mowjad weyn oo xooggan oo ka hor timid ka gudbin.
shaalcad Dharka aliindiga ah nooc darfaha ku leh daliig midab ah oo wada cad.
shaalid eeg shaal².
shaamareer (1) Yaab aad u badan iyo filanwaa.
shaamareer (2) Yaab aad u badan iyo filanwaa dareemid.
<< < 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 > >>