Ereyga Maanta: geedqaad
iftiin (2) (fiis.) Sii deynta kaaha ka imanaya walax saxarradeedu nuugeen tamar, iyagoo gaadhaya xaalad kacsan, kaddibna ku noqday xaalad tamar hooseysa markii ay sii daayeen kaaha birlab-danabowga.
iftiin (3) Wax kaah yeelasho.
iftiino Wakhti si fiican wax loo arki karo oo qorraxdu soo baxayso ama dhacayso.
igaar (igaar, m.dh) Wiil, kuray, inan.
igar (1) Neef irmaan oo aan ilmo lahayn oo la maalo (oo cucub lagu sasabo loo sameeyey). ld eger.
igar (2) Sac ama hal dhashay si caanihiisa loo wada helo ilmo ka gawricid.
igbad ld igbasho.
igbasho eeg igbo. ld igbad, igmad, igmasho.
igbay Doodda laga qabo gar la naqay; racfaan.
igbo Cid dood u wakiilasho. ld igmo.
igdhasho eeg igdho.
igdhid eeg igar².
igdho Neef igar ka dhigasho.
igifsan Wax gaaban oo itaal leh ahaansho (nafley).
igifsanaan eeg igifsan. ld igifsa-naansho.
igifsanaansho ld igifsanaan.
Iglan eeg Ingiriiska.
igmad ld igbasho.
igmasho ld igbasho.
igmo ld igbo.
igtishaaf (1) Soo saaridda wax cusub oo aan hore loo arag ama loo aqoon.
igtishaaf (2) Wax cusub oo aan hore loo arag ama loo aqoon soo saarid.
igtishaafid eeg igtishaaf².
ihaanee Cid ihaano u geysasho.
ihaaneyn eeg ihaanee.
ihaano Hadal xun oo cid sharafteeda wax lagu yeelo, meelkadhac.
iib Kala gadashada laba wax ama ka badan la kala gato.
iibgee Wax meel lagu iibsado geyn.
iibgeyn eeg iibgee.
iibi Lacag badeeco ku beddelid.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>