Ereyga Maanta: dheg
beedalan ld beeddalan.
beedalid ld beeddalid.
beedalnaan ld beeddalnaan.
beedalnaansho ld beeddalnaan.
beeddal (1) B. ah: Geenyo kudaal u baahan. ld beedal¹.
beeddal (2) Kudaal u baahasho (geenyo). ld beedal².
beeddalan Wax kudmo rabo ahaansho (geenyo). ld beedalan.
beeddalid eeg beeddal². ld beedalid.
beeddalnaan eeg beeddalan. ld beedalnaan, beedalnaansho, beeddalnaasho.
beeddalnaansho ld beeddalnaan.
beeg (1) 1. ld beegmo. Raashinka la cuno, sida badarka, sonkorta, timirta iwm cabbirkooda. 2. ld beegid.
beeg (2) 1. Suus, madaal, shood iwm wax ku miisid. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosi. beegaal heerkul cadaadis (B.H.C.) m.l (fiis.) (B.H.C.) Beegalka heerkulka iyo cadaadiska oo hore loo odhan jirey heerkulka iyo cadaadiska caadiga ah, waa xaaladda beegaal ee loo adeegsado furfurista xisaabeed ee xaddiyada isla beddela heerkulka iyo cadaadiska, marka la is barbar dhigayo astaamaha neefaha. Xaaladdaasi waa marka heerkulka yahay (273.15 K ama 0øC) iyo cadaadis (760 mm Meerkuri ah).
beegan (1) 1. Wax la beegay noqosho. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosan noqosho.
beegan (2) 1. Wax la beegay ahaansho. 2. Wax la buuxshay ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax kale lagu aaddiyey ahaansho. 4. Ku b.: waqti, waqti ku aadan ahaansho.
beegasho eeg beego.
beegid eeg beeg². ld beeg¹ (2).
beegmid eeg beegan¹.
beegmo 1. Isla simid; iswaafaqid. 2. ld beeg1 (1).
beegnaan eeg beegan². ld beegnaansho.
beegnaansho ld beegnaan.
beego Suus, madaal, shood iwm raashin ku miisasho.
beegsad ld beegsasho.
beegsasho eeg beegso. ld beegsad, beegsi.
beegsi ld beegsasho.
beegso Qof qiimo ama dhaqaale dheeraad ah leh isla simid.
beejaggoys Xasharaad yaryar oo midab madow leh oo sida badan buuryada ka qaniinta wiilasha yaryar. ld buuryaggoys, buuryo-goys.
beejaqab ld buuryaaqab.
beeji Wax quruxdooda muujin.
beejin eeg beeji.
beejo ld buuryo.
<< < 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 > >>